
Warbaahinta Burundi, ayaa xaqiijisay in si rasmi ah ay u kala jabeen Militariga Burundi, garab ka soo horjeedo afgembiga iyo mid kaloo taageersan.
Warbaahinta waxay kaloo baahisay in lagu guuldareystay wada hadalo saacadihii ugu dambeeyay u soconaayay Militariga, oo la xiriiray inay mid qura ahaadaan, kana fogaadaan kala qub qubnaan.
Rasaas xoogan, ayaa maanta laga maqlayaa Magaalada Caasimadda ah ee Bujumbura. Boqolaal ruux oo taageersan afgembiga Madaxweynaha, ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee Caasimadda.
Xiisadda dalka Burundi, ayaa waxaa lagu sheegay mid sii adkaaneysa, haddii aan xal deg deg ah loo helina ayba suurta gal tahay, in xaaladdu ay kaga sii darto.






Afgambigi dowladi Burundi oo warkale kasoo baxay
General Godefroid Niyombareh, ayaa ku dhawaaqay in la dhisay Guddiga Badbaadinta Qaranka, kaasoo tallada dalka sii hayn doono, ilaa iyo inta laga soo dooranaayo Madaxweynaha Qaranka, sida uu yiri.