Wariye Bile Labis_Tan iyo heshiiskii General Maxamed Faarax Caydiid iyo Cornel Cabdulaahi Yuusuf Axmed ay ku gaareen in Gaalkacyo nabad lagu wada daganaado ilaaa iyo hada waxaa taagan dhibaato ah cida sida rasmigaa u maamulaysa Gobalka Mudug inkastoo lagu kala badan yahay hana waxaa jirta in Maamulada Galmudug State iyo Puntlnad ay isku hayaan dhulbalaarsi Gobalka Mudug ah oo aan qarsooneen.
Galmudug ayaa inta badan haysata Gobalka mudug waxaana puntland ay ka haystaa qeyb yar ayadoo sidaas ah ayaa waxa ay talo fara ka baxday markii dhawaan Ergada Magaalada Cadaado ku sugan ay soo bandhigeen Xaduuda uu yeelanayo Maamulka laga dhisayo Gobalda dhexe oo luugu magacdaray Galmudug state waxa ay sheegeen in ay xaduud dadex geesood ah ay yeelanayaan sida Hiiraan oo ay xaduud kala yeelanayaan dhanka Gobalka Galgaduud Ethopia oo isla xaduudka Galgaduud ah iyo Gobalka Nugaal oo ay xaduud kala yeelanayaan Waqooyiga Fog Ee Gobalka Mudug waan tan aan warbixintena uga dhignay ciwaan ka ee ah Puntland Mudug meelmartay Ee maatidaada ka qaado.
Arinkaas markii uu soo baxay Galmudug waxa ay fariin mariyeen warbaahinta Gaalkacyo oo ay ku sheegayaan in awalba ay san mugdi uga jirin an ay maamulayaan guud ahaan Gobalka mudug waxa ay u muuqatay dhaga hadal ka dhan ah Maamulka Puntland oo hada wajahaya xaalad siyaasadeed oo aan saacideen maadaba wasarada arimaha gudaha xukumada Soomaaliya ay raali ka tahay arinkan hada Galmudug.
Puntland ayaa ka hadashay waxa ayna sheegeen dhankooda in ay baadil tahay waxa ka socda Magaalada Cadaado oo ah madasha shirka Cabdi wali gaas oo dhuminaya madaxtinimada Puntland hadii guud ahaan Galmudug ay hanato gacan ku haynta Gobalka Mudug maadaba ay wax ku qeyb sadaan hab beeleed beshiisuna ay u muuqato mid hada la dhacsan ku biirida Galmudug ayaa yaa dhankiisa shegay in arinkan uu yahay riyo maalmeed aan u suurtoobi Karin Galmudug.
Cabdi wali Gaas xiliguu uu ahaa Ra’iisulwasraha Dawlada Soomaaliya waxa uu saxiixay in Gobalka mudug iyo Galgaduud la isku daro asga ku xumeenayey madaxweynihii xiligaas talada Maamulka Puntland hayey Ee Cabdiraxmaan Shiiq Maxamuud Faroole waana mida hada sooo dadajisay in Gobalka Mudug iyo Galgaduud loo dhiso Maamul mid ah ayadoo laga tixraacayo saxiixa laga hayo Gaas oo hada asagu ah Madaxweynaha maamulka Puntland oo ogolaanshihii sii shalay uu hor yaalo asga oo saxiixan meel looga laabtana aan lahayn
. Caqabadaha kale Ee Maamulka Puntlan haysta waxaa ka mid ah dadka daga inta nadan waqooyiga Gaalkacyo iyo Galdogob oo aan raali ku ahayn in ay ka sii mid ahaadaan Maamulka Puntland oo wasiiro ka ah Maamulka Galmudug ka dib markii sida ay sheegeen Puntland ay isku koobeen beelo aan ogaleen wax qeybsi xalaal ah oo xor ah ayna dib kaga baxeen 2012 sida uu sheegay Wasiirka Wasarada warfaafinta Galmudug Xasan Cabdulqaadir Xasan oo ka soo jeeda dagmada Goldogob Ee Gobalka Mudug .
Magalada Godob oo awal ay horay u mamauli jireen maamulka Puntland ayaa gacan tooda ka baxday kadib markii ay besha dagta sicad u sheegeen in ay san ka mid ahayn maamulka Puntland waana qeyb ka mid ah taraan turooyinka qobsaday maamul gobaleedka Puntland Ee Soomaliya. Waxa laga dharsugayaa madaxweyna la dooran doono Ee Galmudug sida uu ku hirgaliyo sharciga u qoran ee ah Guud ahaan Gobalka mudug waana mida sida weyn la isku weydiinayo suurtalnimadeeda hadii ay gaaraan Xaduudahoda waxaa su aal ma doonto ah in Cabdi wali Gaas oo san sii ahaan doonin Maadxweyna Maamulka Puntland oo hadaba uusan ku taagneen caga nuxur leh
W/Q Wariye Bile Tahliil Cilmi Bile Labis
Puntland Mudug meelowday Ee maatidaada kala bax
Wariye Bile Labis_Tan iyo heshiiskii General Maxamed Faarax Caydiid iyo Cornel Cabdulaahi Yuusuf Axmed ay ku gaareen in Gaalkacyo nabad lagu wada daganaado ilaaa iyo hada waxaa taagan dhibaato ah cida sida rasmigaa u maamulaysa Gobalka Mudug inkastoo