Al-shabab oo la Wareegay Leego

0
Friday June 26, 2015 - 10:19:01 in Wararka by
  • Visits: 2277
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabab oo la Wareegay Leego

    Wararka ka imaanaya Degmada leego ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal yahano hubeysan oo al shabaab ka tirsan oroorti hore ee saakay weerar ay ku qaadeen Degmada leego ee Gobolka shabeelaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Degmada leego ee Gobolka shabeelaha hoose ayaa ku waramaya in dagaal yahano hubeysan oo al shabaab ka tirsan oroorti hore ee saakay weerar ay ku qaadeen Degmada leego ee Gobolka shabeelaha hoose.
Dagaal xoogan oo saacado Qaatay ayaa Ciidamada al shabaab yo kuwa amison ku dhexmaray Degmada leego waxaana jiray gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo uu waday ruux naftiis hura ahaa isku qarxiyay albaabka hore ee Saldhiga Ciidamada amison ay ku leyihiin Duleedka Degmada leego.

Ciidamada al shabaab ayaa waxaa u suurta gashay sida dad goob joogayaal ah inoo xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigaan Saldhiga Ciidamada amison iyo sidoo kale guud ahan Degmada leego.

Dagaal yahano Katirsan al shabaab ayaa haatan gaf wareegaya xaafadaha ay ka kooba tahay Degmada leego iyadoona lagu arkayo Saldhiga Ciidamada amison lagala wareegay gadiid gubanaya iyo kuwo ay ka carareen oo aan qasaare soo gaarin.

Dagaalka ayaa sababay qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawaac soo kala gaaray Ciidamada al shabaab iyo kuowa amison balse waxan jirin qasaare soo gaaray dadka Shacabka sida aynu warka ku heleyno sababtaas oo inalogu sheegay Saldhiga dagaalka uu ka dhacay oo ka durugsan Degmada.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip