Wali ma isweydiisay, horta, Alshabaab yaa dhalay? Yey ka soo farcantay? Yaa barbaarshay?.
Waxay ka dhigan tahay, Shantii Golaha Kacaanka, oo yiraa: " Militerigu si qalad ayey awoodda dawladnimada u fahmeen!" Haddi iyagaa dalkan burburkiisa iyo baabba'iisa aabbe ah dhalayna, ee la soco!
Waxay ka dhigan tahay, Jabhadihii oo ku yiraa: "Qabqablayaashu qabiilka ayey si qaldan u fahmeen!" Haddi iyagaa abuuree la soco!
Waxay ka dhigan tahay, Wadaaddadii Maxkamadaha, oo ku yiraa: "Al Shabaab si qaldan ayey u fahamtay Diinta Islaamka!" Haddi iyagaa unkee la soco!
Waxay ka dhigan tahay, Soomaalilaan iyo Puntlaan, oo ku yiraa: " Soomaalidu Laanka si qaldan ayey u fahmeen!" Haddi iyagaa u horseedee la soco!
Waxay ka dhigan tahay, hal abuurku qabiilka iyo qabyaaladda, qoraaga iyo wariyaha beesha, oo ku yiraa: " Bulshadu waxay si qaldan u fahmeen qabiilka, kuna qaldeen qaranka!" Haddi asaa u gabya, heesa una maansooda, ee la soco! Haddi asaa qalin ugu qiiliya qabiilka, ee la soco! Haddi asaa warxuma tashiilnimi ugu adeega beesha, ee la soco!
Magan!
Bashiir Axmad Salaad: "Al Shabaab si qaldan ayey u fahamtay Diinta Islaamka!" GABLAN!
Wali ma isweydiisay, horta, Alshabaab yaa dhalay? Yey ka soo farcantay? Yaa barbaarshay?.