Cabdi Qeybiid oo Puntland Fariin adag u Diray

0
Tuesday June 30, 2015 - 14:21:14 in Wararka by
  • Visits: 1476
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdi Qeybiid oo Puntland Fariin adag u Diray

    Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Musharax u taagan Qabashadda Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka loo Sameeynaayo Goboladda Mudug iyo Gal-gaduud Ayaa waxaa uu ka Hadlay Banaan-baxyadii ka dhacay Magaalada Garoowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ah Musharax u taagan Qabashadda Xilka Madaxtinimo Ee Maamulka loo Sameeynaayo Goboladda Mudug iyo Gal-gaduud Ayaa waxaa uu ka Hadlay Banaan-baxyadii ka dhacay Magaalada Garoowe

Cabdi qaybdiid wuxuu sheegay in wax laga xumaado ay tahay banaanbaxyada ka dhacaayay deeganada Puntland ee looga soo horjeedo Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay taasi bedelkeeda in laga rabay reer Puntland inay ku farxaan Maamulka Galmudug.

''Midnimada iyo Maamulka halkaan ka dhacay waxa ay aheyd inay soo dhaweysay Puntland, laakiin waa nasiibdaro inaan maqleyno durbaan la garaacayo oo ah durbaan colaadeed anaga colaad ma rabno nabad ayaan rabnaa walaalaheen sida ay u arkayaan oo ah dhibaato inay ku soo socoto anaga sidaasi uma aragno.” Ayuu yiri C/qaybdiid oo Saxaafadda la hadlay.

Magaalooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland shalay iyo doraad waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Galmudug, sidoo kalena meel looga dhacay Madaxda Dowladda Federalka Somalia.

Magaalada Garoowe Waxaa Maalin ka Hor ka dhacay Banaan-baxyo Lagu Aflagaadeyay Madaxda Dowladda soomaaliya


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip