Hayaan (Maanso) W/Curiyey: Abwaan Ladane Cabdi Xasan.‏

0
Tuesday June 30, 2015 - 19:32:10 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 3633
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hayaan (Maanso) W/Curiyey: Abwaan Ladane Cabdi Xasan.‏

    Maansadan Waxaa Curiyey Abwaanka Da'da Yar Ee Abwaan Ladane Cabdi Xasan Taariikhdu Markay Ahayd 22 june 2015. Waatan Maansadu Ee ka Dhuuxo Micniheeda Gudaheeda. Mahadsanidiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansadan Waxaa Curiyey Abwaanka Da'da Yar Ee Abwaan Ladane Cabdi Xasan Taariikhdu Markay Ahayd 22 june 2015. Waatan Maansadu Ee ka Dhuuxo Micniheeda Gudaheeda. Mahadsanidiin.

Hayaanku ma roob da'aa.
Hogaanku ma toosi baa.
Hayinku raro uun miyaa.
Horseedku ma guushi baa.
Hamigu ma qiyaaso baa.
Habeynku ma leyl dhexaa.
Hoosiis adigoo fadhiya.
Harkuba dhalanteed miyaa.
Haluhu ubadkay dhaleen.
Ma hanaqaadkii berraa.
Qalinku hiilkuu baxshaa.
Aqoonta habkeed miyaa.
Aduun hawl kama baxee.
Wixii aad haweysataa.
Hadeey libin aan fogeyn.
Mar uun kula haabayaan.
Hirkaasaa kuu danee.
Sidaad ku hagaajin layd.
Qalbiga ku habee miyaa
Shinidu waa hagarla’ yara.
Dhirtaa hawd sare ku taal.
Mankiyo ubaxay huraan.
Macaankay ka hirqataa.
Hog bey ku aruurisaa.
Gawsay ku hagaajisaa.
Hadhawto wuxuu noqdaa.
Malabka laga helo dawada.
Waxaa isna heer sara ah.
Dadaalkiisana holladay.
Aboor ku hadraaya guri
Iskaashiga muu huree.
Isagoo hal midaysanuu.
Hankaba meel sare dhigaa.
Markaasuu u hawl galaa.
Siduu dudun hoy dhan le'eg.
Isagu u hormayn lahaa.
Markaasna habkii dhisaa.
Hal-guri lala wada cajabay.
Tusaale wuxuu hagmaa.
Markaad wax haweysatee.
Dadkuba waa wada halyeey.
Hormuud wada hanada iyo.
Hal-door meekhaan lahoo.
Naftiisa markuu huwiyay.
Wuxuu qalin haabo yiri.
Markaan lagu soo hirtee.
Aqoonta adoon hallayn.
Sidiisa wuxuun hormari.
Hilaac meel kaaga baxay.
Adoon hogoshiisa arag.
Misana habaqleyn u galay.
Haduu hanqal taagu yahay.
Sidaad hilinkaa guga le.
Mar uun ugu hoyan laheyd.
Haboonaantaadu waa.
Habsaanka ka feejignoow.
Hareer dhugad yuu ku dilin.
Waxay hawadaadu tiri
Haboow ha u noqon marnaba.
Waxanay dheef kaaga harin.
Haraad ha u mudanin abid.
Hiyigu yuu kaa xumaan.
Naftaadana hogatus sii.
Hindisahaagana xoree.
Ilaah baa hodan ahoo.
Waxaad rabtid kuu hayee.
Adoon hogan meel cidla'ah.
Hoodadu way qoran tahee.
Kartida saxan hawl karee.
Marnaba halistaa ha falin.
Habeenkiyo maalintaba.
Hidduhu yuu kaa xumaan.
Hibada haw bixin ciyaar.
Murtida roon haqabtiroo.
Hamiga adigoon xumayn.
Aqoonta u hiiliyoo.
Hayaanka ku gaar sidaa.

Mahadsanidiin.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip