Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo qaxootiga

0
Monday July 06, 2015 - 00:00:17 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1555
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Denmark oo aad u yaraynaysa lacagta la siiyo qaxootiga

    Dowlada cusub ee Denmark ayaa shaqadeeda ugu horeysay waxay ku bilowday in ay nolosha ku adkayso qaxootiga, iyagoo lacagtii kaalmada ahayd ee la siin jiray dadka magangalyo doonka ah kala bar dhimay. Ujeedada lacagta loo dhimay ayay wasiirka arimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada cusub ee Denmark ayaa shaqadeeda ugu horeysay waxay ku bilowday in ay nolosha ku adkayso qaxootiga, iyagoo lacagtii kaalmada ahayd ee la siin jiray dadka magangalyo doonka ah kala bar dhimay. Ujeedada lacagta loo dhimay ayay wasiirka arimaha isdhexgalka ku sheegtay mid lagu doonayo in qaxootiga ay doortaan wadamo kale oo aysan imaan Denmark.

Dadka magangalyo doonka ah ayaa hada la siiyaaa 10,849 kr bishii, iyadoo ay dowlada cusub lacagtaasi ka dhigayso 5,945 kr. Intaas ayaa waxaa dheer 1500kr oo la siinayo qofka baasa imtixaanka luuqada Danishka. Wasiirka isdhexgalka Inger Støjberg ayaa warbaahinta u sheegtay in qaxootigu aysan xaq u lahayn in la siiyo ka badan lacagta ay qaataan ardada reer Denmark. Waxay intaasi ku dartay in ay samaynayso wax kasta oo lagu yareyn karo tirada soo galootiga ee wadanka imaanaya.

Dowlada cusub ee Denmark ayaa u muuqata mid aad uga soo horjeeda soo galootiga. Xitaa waxaa gudoomiyaha baarlamaanka wadankaasi loo doortay haweenayda lagu magacaabo Pia Kjærsgaard oo horay u hogaamin jirtay xisbiga cunsuriga ah ee Danish Folk Party.

Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip