Xildhibaano wax lagu gaarsiiyay weerarki Caawa iyo warar kale oo dheeraad ah (Sawiro) (Editer, Mohamed Ismail Mohamed)

0
Friday July 10, 2015 - 23:22:04 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2241
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaano wax lagu gaarsiiyay weerarki Caawa iyo warar kale oo dheeraad ah (Sawiro) (Editer, Mohamed Ismail Mohamed)

    Laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lagu kala dhuftay albaabada laga galo Hoteeladaasi, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay, iyagoona toogasho ka gaystay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba gaari oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, ayaa lagu kala dhuftay albaabada laga galo Hoteeladaasi, waxaana xigay rag hubeysan oo gudaha u galay, iyagoona toogasho ka gaystay.
Dadka ku dhintay weeraradaasi waxaa shan ka mid ihi lagu sheegay inay shacab yihiin, halka saddexda kalana ay ka tirsanaayen Xoogagii weerarka soo qaaday.

Xildhibaan Ciise Wehliye Maalin iyo Xildhibaan Barre Ugaas Cabdi oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, ayaa lagu dhaawacay weerarka Hotelka Wehliye. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Aadan Gabyow oo ka tirsanaa Xildhibaanada Baarlamaankii KMG ahaa.

Shabaabka, ayaa si rasmi ah u sheegtay masuuliyadda labadaasi weerar, waxayna sheegeen inay ku eegteen Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ka tirsan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, General Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa shaaca ka qaaday inay soo afjareen labadaasi weerar, xaalkuna uu iminka yahay mide degan.

Ciidamada Dowladda iyo Amisom oo la soo dhigay wadooyinka ku dhow dhow labada Hoteel, ayaa waxaa la soo sheegayaa inay xoojinayan ammaanka, xilli culeyska weeraradaasi laga dareemay gebi ahaanba Magaalada Muqdisho.

Dhanka kale hoobiyaal ayaa laga maqlayay agagaarka garoonka weyn ee Stadium Muqdisho iyadoo dadka ku nool xaafadahaas ay sheegayaan in hoobiyaal lagu garaacay garoonka ciyaaraha oo ay fariisimo u yihiin qaar ka mid ah ciidamada nabad ilaalinta AMISOM.Hase yeeshee lama oga in weerarada hoobiyaasha ah ay ka dhasheen qasaare.

Weeraradan ayaa noqonaya kuwii ugu xoogga badnaa ee ay ururka Alshabaab ka fuliyaan magaalada Muqdisho bisha Ramadaan, balse ururka Alshabaab ayaa weeraro ku qaaday qaar ka mid ah magaalooyin ay dowlada gacanta ku hayso intii lagu jirey bisha Ramadan.

By: Mohamed Ismail Mohamed
E-Mail: mohism47@gmail.com
Editer: Warsheekh.com

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip