Obama oo sheegay inay Afrika ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab, Boko Haram iyo kuwa kale

0
Tuesday July 28, 2015 - 17:00:38 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1245
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Obama oo sheegay inay Afrika ka taageerayaan La-dagaalanka Alshabaab, Boko Haram iyo kuwa kale

    Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama oo maanta khudbad ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ee magaalladda Addis Abeba, ayaa sheegay inay Maraykanka diyaar u yihiin Nabadda iyo Horumarka Afrika iyo in lala dagaalamo Kooxaha Islaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha dalka Maraykanka, Barack Obama oo maanta khudbad ka jeediyey Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ee magaalladda Addis Abeba, ayaa sheegay inay Maraykanka diyaar u yihiin Nabadda iyo Horumarka Afrika iyo in lala dagaalamo Kooxaha Islaamiyiinta, lana soo af-jaro colaadaha ka aloosan Qaaradda Adrika.
"Waxaan idinla garab taaganahaya La-dagaalanka Argagixisadda iyo Colaadaha, waxaana doonayaan inaad ogaataan inay Maraykanka idin garab taagan yihiin” ayuu yiri Obama.

Waxa uu farta ku fiiqay inay Kooxaha Alshabaab, Boko Haram, LRA-da Uganda iyo kooxaha kale ee ka dagaalama Nigeria iyo Tunisia iyo Afrikadda Dhexe cabsi xooggan ku hayaan, isla markaana ay dilaan dadka aan waxba galabsaninin ee ku nool Qaaradda Afrika, waa sida uu hadalka u yiri.

Madaxweyne Obama waxa kaloo uu Khudbadiisa ku sheegay inay Maraykanka taageeraan Dadaalka Milliteri ee Ururka Midowga Afrika ee AU, wuxuuna Geesiyayaal ku tilmaamay Nabad-ilaaliyaasha Afrikaanka ee dagaalka kula jira Maleeshiyooyinka hubaysan.

Waxa uu soo hadal-qaaday Hawlgalka AMISOM kula jiraan Dagaalamayaasha Alshabaab, wuxuuna tilmaamay inay Dowladda Federalka soo xoogeysanayso,isla markaana ay Alshabaab maamulaan dhul aad u yar, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka waxa u uka hadlay Arrimaha dalka Ethiopia, wuxuuna ugu baaqay Maamulayaasha dalkaasi inaysan xirin Suxufiyiinta, isla markaana oggolaadaan Xorriyadda Hadalka iyo in Mucaaradka kala qeybgalaan Awoodda dalkaasi.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip