Prof: Samatar oo la weydiiyay su'aalihi ugu adkaa (Video)
Wareysi Xiiso badan oo dhinacyo badan Taabanaayo ayaa waxaa la sheegay inuu bixiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samater iyadoona wareysigaas diirada lagu saarey xaalada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya ee xilligan Qaasatan Magaalada Muqdisho.
Muuqaalkaan wareysiga uu Prof. Axmed Ismaaciil Samater la yeeshay weriye Cabdixafid Maxamud Jamac ayaa waxaa diirada lagu saarey xaalada Siyaasdeed ee dalka Soomaaliya iyadoona Profsorka lagu weydiiyey su'aalo kulul oo xiiso badan, Su'aalahaan oo ahaa kuwo ay qaar badan oo ka mid ah dadka Somaaliyeed ay xiisaynayeen ayaa waxaa ka mid ahaa Qadiyada Soomaaliland iyo aragtidiisa ku aadan gooni isku taaga Soomaaliland iyo sidoo kale fikirkiisa ku aadan jiritaanka maamulka Khaatumo iyo wax uu ka aaminsan yahay arintaas.
Ugu dambeyntiina iyadoo wareysigaas uu bixiyey Prof. Axmed Ismaaciil Samater uu yahay mid aad iyo aad u xiiso badan ayaa waxaa ay u muuqataa in Prof. Samatar ay su'aalaha qaarkood ay ku noqdeen laf dhuun gashay oo ayna ku adkaatey sidii uu uga jawaabi lahaa asagoona isku dayaayey inuu ka meer meereysto su'aalaha qaarkood ama isku dayaayey inuu jawaabta u leexiyo si ka duwan sida loo weydiiyey su'aashaas.