NASASHADA JIMCAHA- iyo Qormadi Prof: Yaxye Sh, Amir

0
Saturday January 21, 2017 - 21:38:01 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3054
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    NASASHADA JIMCAHA- iyo Qormadi Prof: Yaxye Sh, Amir

    1-Faarax Geeljir iyo wiilkiisa ayaa baadiyaha fog Geel ku ilaalinayay, waxa ay aheed cidlo dad kalena ma joogin. Wiilkii ayaa meel fog ka arkay qof haween ah, kadibna waa uu kufsaday, qayladii ayaa waxaa mar dambe ku soo baxay Aabihii .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Faarax Geeljir iyo wiilkiisa ayaa baadiyaha fog Geel ku ilaalinayay, waxa ay aheed cidlo dad kalena ma joogin. Wiilkii ayaa meel fog ka arkay qof haween ah, kadibna waa uu kufsaday, qayladii ayaa waxaa mar dambe ku soo baxay Aabihii .



Gabdhii ayuu ku yiri: Maandhaay in Ceebtaada Alla asturo, ceebta wiilkeeyga astur, ee hana sheegin(sharciga deegaanku waxa uu ahaa in gabadhii la kufsado la siiyo qaalin Geel ah).

Gabadhii weey diiday waxa ayna ku adkeeysatay in ayna qarin doonin, odaygii ayaa mar kale ka codsaday weeyna diiday. Odaygii ayaa wiilkiisii ku yiri: Go’a ii qabo, kadibna ushii iyo tooreeydii ayaa u dhiibtay wiilkiisii, waxa uuna bilaabay in uu macawistii furto. Gabadhii oo naxsan ayaa ku tiri odaygii: Maxaad damacsan tahay?.

Odaygii ayaa ku yiri: koleeyba qaalin geel ahi weey ka bexeeysaa reer Faarax geeljir, ceebuna nooma asturna, ee anna aan Markeeyga iska Dhanaansado. Gabadhii ayaa baqday oo ku qaylisay Adeer waan idin cafinayaa ee ha i ceebeeyn yaan la i dhihin waa gabadhii wiil iyo aabahii ay wada kufsadeen. Sidaa ayeeyna ku weeyday xaqeedii. Fiiri.sawirka 1aad.

(( waalidiinta reer Galdogob ee lixda wiil dhalay iyo qaraabadooda , qaar ayaa ah Ugaasyo iyo xildhibaano deegaankaa ka soo jeeda, yeeyna dhihin macawista ii qabo, usha ugaasnimo iyo jaakadana ku dar. si maskiintaa walaasheena xaqeeda loo inkiro, yaan lagu talin farsamo xaqeeda lagu duudsinayo gabadha, dambiilana lagu deeynayo.)).

2- Nin iyo xaaskiisa ayaa aad isku jeclaa waxa ayna ku heshiiyeen in ay isku mar wada dhintaan. Maalintii dambe ayeey wada tageen buur aad u dheer dusheeda, qarka buurta ayeey istaageen waxa ayna tiriyeen 1, 2, 3, si isku mar ay u wada boodaan, saddax markii la yiri: haweeneeydii waa booday laakin ninkii ayaa baqay oo gadaal isku reebay, wax yar kadib ayuu ka xumaaday in uu xaaskiisii khiyaamay, hoos ayuuna fiiriyay si uu u arko halka uu ku dhacay maydka xaaskiisii. Waxa uu u jeeday xaaskii oo Daladaha Duulimaadka ( Baarashuut) la baxday oo tartiib u sii daganeeyso, waxa uu yiri: waa i sirtay Hadii aan boodi lahaa anigu mar hore ayaan dhiman lahaa. Labadooda yaa la khayaanay? Fiiri: sawirka 2aad.

( Isbaheeysiga Musharixiinta Madaxweeyne ee 2017, qaarkood ayaa Baarashuut u qorsoon yahay, waa kuwama ?)

3-Xariif Magaalada ku wareeray oo wadaadnima sheeganaya oo qamiis, koofi, cimaamad iyo caag jaala ah wata ayaa u tagay dad reer miyi ah, wuxuuna isagu yeeray si uu wacdiyo. Wacdigii waxa uu ku bilaabay in isticmaalka xashiishku xaaraan yahay aadna u xun yahay oo qofka caafimaadkiisa iyo miyirkiisaba uu wax yeeli karo. Dadkii reer miyiga ahaa ayaa la yaabay khatarta iyo xumaanta uu leeyahay geedkaa xashiishka ah ee wadaadku ka digayo, waxa ayna goosteen in ay iska ilaaliyaan.

Wadaadkii ayeey weeydiiyeen, sheekhoow waxaad noo sheegtay wax xashiish la yiraa oo khatar ah, waxaana rabnaa in aan iska ilaalino, laakin ma naqaan sida uu u yaal, seen ku ogaa karnaa? . Sheekhii ayaa inta jeebkiisa gacanta galiyay ayuu ka soo bixiyay, caleen warqada ku duuban, wuxuuna ku yiri: waa kan iska barta sida uu u yaal waana xaaraan ee iska fogeeya. Intuu u watay xashiishka? Tusaale?, ganacsi? Isticmaal? .

( nin diaspora ah oo u tagay dadka abaaruhu haleen ayaa ku yiri: iska jira Jibsiga aan si fiican loo dubin kaa waxaa dhaama fishberg, Funny Diidiin berger, Cheesberg-na dufankaa ku badan waxa uuna keenaya Korestarol iyo Miisaankiina oo cuslaada, waxaan idinkula talinayaa socod badan iyo Jiimka, Luul oo iyana Diaspora ka timid lana socotay ayaa ku tiri: Duf ku bax, dareen laawe ma kuwan dhuuntoodu isku dhagtay ayaad……..). Fiiri: sawirka 3aa,4aad,iyo 5aad.

4-Nin Taajir ah ayaa wuxuu siiyey Juxaa 500 oo dollar wuxuuna ku yiri: 5ta salaaddood iisoo ducee markaad tukato, wuxuu juxaa ninkii u celiyey 100 dollar wuxuuna ku yiri 4 salaadood ayaan kuu soo ducayn karaa, salaadda subax qallaan ku tukadaa, marka xaaraan inaan qaato ma rabo Allaah ayaan ka baqayaa.

(adigu lacagtaa ah $500 ma wada qaadan kartaa, meeqa ayaad celin laheed? Haddii lagu dhihi lahaa $1000 ku qaado salaad kasta oo aad tukato qalbigaaga oo jooga ( xaadir ah) adiga oo aan aduunya kale ka fekereeyn, lacagtaa ma heli laheed? Fiiri sawirka : 6aad.

5- Ustaad dhigo cilmiga juquraafiga ayaa weydiiyey ardayda in ay sheegaan meelaha laga helo Dahabka ugu badan aduunka? Arday ayaa ku jawaabay waxa uu yaal suuqa Bakaaraha. Mid kale oo uu dhalay Riisul wasaare Hore ayaa yiri: waxa uu yaal Armaajada Hooyadeey.

( Adigu ma taqaan halka doolarka ugu badan uu ka yaal xamar, ha u maleeyn Bangiga , ka fiiri qolalaka musharixiintu daganyihiin). Fiiri .sawirka 7 aad.

6-Nin dhakhtar ah ayaa waxaa uu imtixaan ka qaaday arday ay u dhamaatay tababar caafimaad. Ardayad ka mid aheed ayuu weydiiyey haddii adiga oo xaflad u socda walaalkaa kaa yar uu liqo furaha guriga, maxaad sameeyn lahayd? Waxa ay ku tiri: dariishada ( daaqada) ayaan ka geli lahaa. Fiiri: sawirka 8aad.

Qore: Yahya Amir

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip