Prof: Jawaari oo Shacabka Fariin uga diray Radiyo Muqdisho

0
Friday May 24, 2013 - 12:32:51 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Prof: Jawaari oo Shacabka Fariin uga diray Radiyo Muqdisho

    Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka warbixiyay waxqabadka Baarlamanka mudadii uu jiray iyo himilooyinka uu higsanayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka warbixiyay waxqabadka Baarlamanka mudadii uu jiray iyo himilooyinka uu higsanayo. Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ka qeybgalay Barnaamijka kulanka Jimcaha oo todobaadkiiba maalinta Jimcaha ka baxa Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in mudadii Sagaalka Biloodka aheyd ee baarlamanku jiray ay u qabsameen howlo farabadan oo muhiim ah sida ansixinta miisaaniyada iyo la xisaabtanta dowlada.

Afhayeenka Baarlamanka oo ka jawaabayay su’aal ku saabsaneyd mowshinkii xukuumada laga keenay ee dib laga laabtay ayaa sheegay in baarlamanku uu tixgeliyay dareenka shacabka.

‘’Mowshinka waxaan rabaa shacabka ineysan qalad u fahmin wa mid mudanayaashu wax ku saxaan, laakin waxaa haboon ineysan arintu noqon mid wax lagu dhibaateeyo ama lagu aarsado, waana ku dadaalaya ineysan taasi dhicin’’ ayuu yiri Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Gudoomiyaha Baarlamanka ayaa su’aalo kala duwan oo ku saabsan howlaha Baarlamanka uga jawaabay dhageystayaal ka soo wacay dalka iyo dibada, isagoo si faahfaahsan ugu sharaxay su’aalaha dhageytayaasha.

Hadalka gudoomiye Jawaari ayaa imaanaya xilli dib looga laabtay mowshin ay mudanayaal ka tirsan Baarlamanka ka keeneen xukuumada, taasoo shacabka Soomaaliyeed ay si diirran usoo dhaweeyeen.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip