Kulankan oo ka dhacay magaalada Oslo ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad u badan, waxaana sidoo kale goob-joog ahaa wasiir iyo madax ka tirsan dowladda Norway.
Wafdiga xildhibaanada ah ee uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa guubaabo iyo dhiirigelin u jeediyay jaaliyadda, waxaana uu Prof Jawaari oo markiisii hore ka tirsanaa jaaliyadda reer Norway sheegay in uu ku faraxsan yahay ku soo laabashada waddankiisa labaad.
DAAWO FILMKA:
Sidoo kale goobta ayaa waxaa khudbad ka jeediyay wasiirka (Utviklingsminister) Heikki Eidsvoll Holmås.
Prof. Jawaari ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda sida ay ugu soo dhaweeyeen dalka.
Wafdigan ka socdan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yimid dalka Norway sidii ay u qaadan lahaayeen koorasyo la xiriirka qaabka ay u wada shaqeeyaan dowladda iyo baarlamaank.
Wariye:
Wiil Jalalaqsi
Prof: Jawaari oo kulan la qaatay Jaaliyada Somalida Norway (Sawiro)
Wafdiga xildhibaanada ah ee maalmahan ku sugan caasimadda dalka Norway ee Oslo ayaa kulan balaaran maanta la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Norway