Dagaal Beeleedki kasocday Warsheekh oo loo xiray Ganacsato Caan ah (Warbixin)

0
Sunday August 02, 2015 - 01:46:37 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Beeleedki kasocday Warsheekh oo loo xiray Ganacsato Caan ah (Warbixin)

    Xili uu wili sii socdo dagaal mindhicireedka udhaxeeyo beelo walaalo ah oo wada dega degmada Warsheekh ayaa waxa isasoo taraayo saamenyta xoogan uu kuyeeshay guud ahaan bulshada kunool deegaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xili uu wili sii socdo dagaal mindhicireedka udhaxeeyo beelo walaalo ah oo wada dega degmada Warsheekh ayaa waxa isasoo taraayo saamenyta xoogan uu kuyeeshay guud ahaan bulshada kunool deegaankaasi.
Dhimashada iyo dhaawaca dadka walaalaha ah ee dirirta udhaxeyso ayaa sii korortay iyadoo baaqyada ee dirayaan waxgaradka deegaanka eesan wax badan soo kordhin, hasa yeeshe talaabo taasi kagedisan kana culus ayaa waxa qaaday sirdoonka dowlada soomaaliya.

Taliska nabad sugida dowlada Soomaaliya ayaa looga yeeray ganacsato iyo mas'uuliyiin kale oo kasoo kala jeeda dhinacyada dirirta isku haayo iyadoo su'aalo dheer kadib xabsiga loo taxaabay mas'uuliyiintaan.

  • Ganacsade Maxamedey Cali Waranle,
  • Ganacsade Cabdullaahi Cade,
  • Xasan Diritoor
  • Kiishweyne.

Xiritaanka afarta mas'uul ayaa yimid ka gadaal marki labada beel ee dirirta udhaxeyso ee dhagaha ka fureesteen baaqyada dowlada ee ku aadan joojinta colaada, balse taliska nabad sugida oo arintaan ka carooday ayaa waxa uu uyeeray waxgarad katirsan beelaha kudirirsan degmada Warsheekh, iyadoo wareysi kadibna xabsiga loo taxaabay.

Hadaba talaabada sirdoonka dowlada ku xireen mas'uuliyiintaani ayaana la ogeyn saameynta ee ku yeelan doonto joojinta ama sii socoshada dagaalada ahliga ah ee udhaxeeyo bulshada wada degan degmada Warsheekh, mana jirto ilaa iyo hada maxkamad si rasmi ah waxgaradkaan u xukuntay ama ugu cadeestay xiriirka ee arintaan la leeyihiin.

Dhanka kale maamulka shabeelada dhexe ee xaruntiisa tahay Jowhar ayaa shaqaaqadaan socota waxay xabsiga udhigeen odoyaal dhaqameed lagu tuhumayo iney geed fadhi uyihiin colaada dhiiga badan ku daatay

Dagaal beeleedkaani ayaa faraha ka baxay iyadoo dadka shaqaaqadaan xabsiga loo dhigay ee sii badanayaan walow dagaalku uu yahay mid halkiisi kasii socda.

Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe

Fiiro Gaar ah, Shabakada Warsheekh waxey utaagantahay iney u adeegto shacabkeeda , waxeyna soo bandhigtaa dareenka shacabka xili kasto iyo waqti kasto oo ee jiraan daruufahaan xasaasiga ah.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip