Sheeko la-yaab leh oo Dhex martay Gabar Mu-caashaqad aheyd iyo Qoyskii ay ka dhalatay...

0
Sunday May 03, 2009 - 15:08:24 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 1344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko la-yaab leh oo Dhex martay Gabar Mu-caashaqad aheyd iyo Qoyskii ay ka dhalatay...

    Waa sheeko dhab ah oo dhex martay wiil iyo gabar lagu kala magacaabo C/samad Baashi iyo Rowda Guure ( Magacyada ma’ahan kuwa sax ah) waxaana ay dhacday horaantii sanadkan iyadoo sheekadani la yaabka ah ay ka dhacday wadanka Holland ee qaarada y

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa sheeko dhab ah oo dhex martay wiil iyo gabar lagu kala magacaabo C/samad Baashi iyo Rowda Guure ( Magacyada ma’ahan kuwa sax ah) waxaana ay dhacday horaantii sanadkan iyadoo sheekadani la yaabka ah ay ka dhacday wadanka Holland ee qaarada yurub. Rowda iyo C/samad waxaa ay ahaayeen mucaashiqiin aad isku jecel lakiin mushkiladu waxa ay ka dhalatay kadib markii la ogaaday in C/samad uu ka soo jeedo beelaha ay soomalidu ay heyb soocaan, waa sida wax magarad ku aamisan yahay’e.

 

 

Qoyska ay ka soo jeeday Rowda oo isku heystay inay ahaayeen kuwa ka soo jeeda meel ka wanaagsan qoyska C/samad ayaa markii ay maqleen in gabadhooda uu guursan rabo C/samad waxa ay Rowda kala dul dhaceen caro iyagoo ku yiri hadalo ay ka mid ahaayeen : Naa maxaa kuugu dhacay’? Naa miyaad waalatay? Naa miyaad naceebeneeysaa? Inkaar Allaha kuugu rido. Naa ma hadaad keentay dharka inaad naga dhigto? Iyo hadalo kale oo aan sidaasi u sii qurux badneyn.

Rawda oo hadalka ay ku hadlaayaan qoyska ay ka dhalatay aanan waxba ka soo qaadin, ayaa waalidkeed waxa ay ku tiri ” hal su’aal ayaan idin weydiinaayaa haddii aad iga siisaan jawab waadix ah, waa qaadanaayaa hadalkiina. Balse haddii aad i siin weydaan Jawab aan ku qanci karo, Walaahi baan ku dhaartee inaanan is sheeganin oo aan idinka soo qaado dad daalimiin ah, qoyskii oo aad iyo aad u careesan baa halmar la-soo wada booday war anagaa balo aragnee ee maxay tahay su’aashaadu?

Rawda ayaa waxay ku tiri bal ii sheega aayad Qur’aan ah ama xadiis oranaaya ninkaan qoyska uu ka dhashay lama guursan karo ama ninkaan qoyskaan buu-ka dhashay oo waala guursan karaa?

Reerkii ayaa indhaha wada cadeeyey. Waxayna waayeen jawaab ay ka siiyaan su’aasha ay gabadhooda weydiisay.Balse reerku waxay ku andacoodeen waxaanu waa dhaqan soo jiraan ah oo Soomaalidu meel wada dhigatay, qoys ahaana raali kama nihin dhaqankaas marnaba inaan ka talaabsano.

Rawda oo careysan baa halmar la-soo booday, haddii aad Islaam tihiin ninkaan C/Samad ah, ha’iga hor istaagina waan jeclahay, kama maarmo, aniga ninkaas qabiilka uu ka dhashay guursan maayo, balse waxan ku Guursanayaa dadnimadiis, Wanaagiisa faraha-badan, iyo Galkaceylka uu aniga ii qabo.

Qoyskii ayaa ku yiri rowda, “Guurso wax nasab dhiman ah balse anaga nama-sheegan kartid”, Sidoo kale rawda ayaa waxay ku jawaabtay Allaheyga Rabil caalamiinka wuu idin jeedaa inaad tihiin dad daalimiin ah lakin waxan Alle ka baryaayaa inuu wadada toosan ee xaqa ah idinku soo toosiyo.

Sidaasi ayaa lagu kala tagay, todobaad kadib rawda waxay guursatay wiilkii ay jecleyd ee C/Samad Baashi. Mudo 45 cisho kadib ayey qoys-kii isla garteen rawda iney ka saxsan tahay 100%. Rawda-na u tagaan oo ay cafis ka dalbadaan ayada iyo ninka qaba ee C/Samad Baaashi.

Ugu danbeen rawda ayaa waxay isku wada heshay jaceylkeydii iyo qoyskii ay ka dhalatay. Waana taas tan laga doonayo gabdhaha soomalida iyo dhamaan umada ay weli ku danbeyso jaahilnimada ee heyb sooco dad muslimiin ah oo walaalahood ah.

Xasan Cabdi Xersi (Xasan Cadde)
Email:
adde053@hotmail.com
Kuala Lumpur Malaysia….

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip