Wararki ugu dambeeyay gabarti Meydkeeda lagu riday digsiga

0
Tuesday June 01, 2021 - 20:41:07 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 658
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararki ugu dambeeyay gabarti Meydkeeda lagu riday digsiga

    Nafisa Cumar Geelle oo ahayd gabadh 11 jir ayaa maanta maydkeeda laga helay iyada oo ku dhex jirta Digsi weyn oo dhexyaalay qolka ay ku noolayd oo kuyaala xaafad kamid ah magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nafisa Cumar Geelle oo ahayd gabadh 11 jir ayaa maanta maydkeeda laga helay iyada oo ku dhex jirta Digsi weyn oo dhexyaalay qolka ay ku noolayd oo kuyaala xaafad kamid ah magaalada Muqdisho.


Gabadhan oo la waysanaa muddo labo cishe ah, ayaa qoyskeeda waxay sheegeen in helay kadib markii la dareemay ur kasoo baxayay qolka ay ku noolayd. Kadibna waxaa laga helay iyada oo xir xiran oo digsiga dhextaala.

Lama garanayo sababta loo dilay. Waxaase laga shakisan yahay inuu jiro kufsi ka horeeyay dilkeeda sida ay sheegeen booliiska gacanta ku haya kiiskan.

Tiro dhowr qof ah ayaa kiiskaan loo xiray, kuwaas oo qeyb kamid ah ay yihiin wiilal dhaliyaro ah oo guriga la degnaa.

Qoyskeeda waxay sheegeen Nafisa Cumar Geelle in ay xilli habeen ah gurigeeda ka baxday, iyadoo dib dambena aan loo arag.

Waa dhaco ugub ah, waxayna cabsi iyo welwel ku abuurtay dadka xaafadda. Inkastoo dilalka iyo kufsiga carruurta lamidka ah Nafisa ay Soomaaliya kusoo badanayeen sanadihii ugu dambeeyay.

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip