Al-bashiir oo Berri tagaya Uganda si uu uga qayb-galo shir colaada Koonfurta Sudan looga hadlayo

0
Sunday August 09, 2015 - 17:13:54 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1353
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-bashiir oo Berri tagaya Uganda si uu uga qayb-galo shir colaada Koonfurta Sudan looga hadlayo

    Madaxweynaha Dalka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir ayaa Isniinta berri ah booqasho ku tagaya dalka Uganda, halkaasoo uu uga qaybgeli doono shir looga hadlayo colaadaha ka taagan Dalka Koonfurta Sudan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dalka Sudan, Cumar Xasan Al-bashiir ayaa Isniinta berri ah booqasho ku tagaya dalka Uganda, halkaasoo uu uga qaybgeli doono shir looga hadlayo colaadaha ka taagan Dalka Koonfurta Sudan.
Colaadaha ka taagan Koonfurta Suudaan ayaa Galaaftay Nolosha in ka badan 1,000 ruux, sidoo kalena Barakiciyay Kumannaan Qof oo carruur iyo haween u badan, weli ay dalkaas ka taagan yihiin Colaado Sokeeye.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Uganda, James Mugume ayaa Maanta Warbaahinta ugu sheegay Magaalada Kampala in Entebbe oo 40-km Koonfur kaga beegan Caasimadda Uganda uu Al-Bashir uga Qayb-geli doono Shirka looga hadlayo Xiisadaha ka Aloosan Koonfurta Sudan.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale ka Qayb-geli doona Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyetta iyo Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

"Al-bashiir waxaa lagu Casuumay ka Qayb-galka Shir looga Hadlayo Xiisadaha ka Taagan Dalka Koonfurta Suudaan, kaas oo ka dhici doona Entebbe,” ayuu yiri Mugume; oo intaas ku daray. "Waxaan Rajeynaynaa inuu Isniinta berri ah Imaanayo Uganda, si uu Qayb uga Noqdo Xallinta Colaadda ka jirta South Sudan.”

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa Sabtidii shalay tagay Dalka Uganda, iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Desalegn iyo Cumar Al-bashiir ay tagaan Uganda Isniinta berri ah.

Sidoo kale, Mugume ayaa Xusay in Booqashada uu Cumar Al-bashiir ku tagayo dalalka ku yaalla Bariga Afrika aysan ahayn mid Siyaasadeed oo Xiriir la leh eedeayaha ay u Haysato Maxkamadda Dambiyada Dagaalka Caalamiga ah ee ICC oo la xiriira dambiyo ka dhan ah Bani’aadamnimada ah.

"Ururka Midowga Afrika horay ayuu uga soo Hor-jeestay Go’aannada ICC ee ka Dhanka ah Hoggaamiyeyaasha Waddamada Afrika. Innaguna Waxaan Ixtiraamaynaa Go’aankaas,” ayuu yiri James Mugume.

James Mugume ayaa Hadalkiisa raaciyay. "Ma jiraan sharciyo aan ku xiri karno Al-bashiir, Waayo Dalkeena Uganda wuxuu si gaar ah u ixtiraamayaan go’aanka Midowga Afrika ee ku Aaddan Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC.”

Dhanka kale, Maxkamadda ICC ayaa Waxay horay ugu eedeysay Madaxweyne Al-bashiir inuu galay dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aaadanaha, uuna ka galay Gobolka Daarfuur ee dalka Suudaan.

Bishii Oktoobar ee Sannadkii 2013-kii ayuu Ururka Midowga Afrika ka soo Hor-jeestay Go’aannada ay Maxkamadda ICC ku Beegsanayso Hoggaamiyeyaasha Dalalka Afrika, waxayna Arrintaas ku tilmaantay mid dhan ka ah Madax-banaanida Dalalka Afrika.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa isagana sannadkii hore ugu baaqay dalalka Afrika in ay ka Hor-jeestaan Caga-jugleynta ay ICC ku Hayso Hoggaamiyeyaasha Afrika, isagoo xusay in Maxkamaddu ay si gaar ah u Bar-tilmaameedsanayso Qaaradda Afrika oo keliya.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Dalka Sudan, Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa Bishii Juun ee Sannadkan tagay dalka Koonfur Afrika si uu uga Qayb-galo Shirweynihii Ururka Midowga Afrika, markaasoo Maxkamadi ay amartay inuusan dalka ka bixi karo, Laakiinse Madaxda Koonfur Afrika ayaa ku gacan-sayray in la xiro Al-bashiir.

Si kastaba ha ahaatee, Haweeneyda Dacwad-oogaha ka ah Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC, Fatou Bensouda ayaa ku celisay dhawaan in dalalka xubnaha ka ah Maxkamadda ee saxiixay heshiiskii Roma uu waajib ka saaran yahay inay xiraan Al-bashiir
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip