Col. Cabaas Ibraahin Gureey oo loomagacaabay Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Gobolka Gedo

0
Tuesday August 11, 2015 - 11:21:59 in Wararka by Maxamud Sh: Axmed
  • Visits: 1242
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col. Cabaas Ibraahin Gureey oo loomagacaabay Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland Gobolka Gedo

    Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland ee Gobolka Gedo, xilli dhawaan Maamul cusub Gobolka Gedo uu u magacaabay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa magacaabay Taliyaha guud ee ciidanka Jubbaland ee Gobolka Gedo, xilli dhawaan Maamul cusub Gobolka Gedo uu u magacaabay.
Taliyaha cusub ee ciidamada Guud ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa loo magacaabay Col. Cabaas Ibraahin Gureey oo ah Sarkaal Gedo caan ka ah, kuna xeeldheer dagaalka lagula jiro Ururka Al Shabaab.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa lagu cadeeyay in Col. Cabaas Ibraahin Gureey uu yahay Taliyaha guud ee ciidamada Maamulka Jubbaland ee Gobolka Gedo, waxaana ku xigeen looga dhigay Col. Cabaas nin lagu magacaabo Cabdulaahi Cismaan Cumar oo ku magac dheer (Cabdulaahi Yare).

Labadaan Sarkaal ayaa waxa ay ku sugan yihiin Degmada Dooloow ee Gobolka Gedo, halkaasi oo qorshe dagaal oo ka dhan ah Ururka Al Shabaab ay ka wadaan.

Col. Cabaas Ibraahin Gureey ayaa hogaaminaayay weerarkii ciidamada Huwanta ay ku qabsadeen Degmada Garbahaareey oo Al Shabaab ay ka talinayeen muddo ku siman sideed sano, inkastoo ciidanka Huwanta ay ka qabsadeen Bishii aan soo dhaafnay.

Axadii lasoo dhaafay xaflad ka dhacday Magaalada Dooloow ee Gobolka Gedo, ayaa waxaa lagu caleemo saaray Guddoomiyaha cusub ee Axmed Madoobe u magacaabay Gobolka Gedo, iyadoo xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii hore Maxamed Cabdi Kaliil.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip