Guddoonka Golaha Shacabka Oo Mooshinka Go'aanka Soo Saaray

0
Friday August 14, 2015 - 21:10:37 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1774
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoonka Golaha Shacabka Oo Mooshinka Go'aanka Soo Saaray

    Guddoonka Golaha Shacabka waxay ka guddoomeen Xildhibaanno gaaraya 93 xubnood Mooshin xil-ka-qaadidda madaxweynaha oo golaha shacabka laga diiwaangeliyay 12 kii Agoosto 2015. waxuu guddoonka golaha shacabka umaareyn doonaa mooshinka si waafaqsan dast

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoonka Golaha Shacabka waxay ka guddoomeen Xildhibaanno gaaraya 93 xubnood Mooshin xil-ka-qaadidda madaxweynaha oo golaha shacabka laga diiwaangeliyay 12 kii Agoosto 2015. waxuu guddoonka golaha shacabka umaareyn doonaa mooshinka si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Guddoonka Gokaha Shacabka wuxuu ku kalsoon yahay inay hay'adaha Ddastuuriga ah ee jamhuuriyadda federaalka soomaaliya leeyihiin biseyl iyo karti ay ku xalistaan arrimahooda iyada oo hore ay u soo mareen xaalado murugsan oo sidan oo kale xasaasi u ah.

Waxaani sidoo kale Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in Golaha shacabku si firfircooni leh u dardargelin doono una sii wadi doono gudashada waajibadkiisa sharci-dejinta , matilaada shcabka iyo la-xisaabtanka hay'adaha dowlada, iyadoo oo aaney saameyn weyn ku yeelan doonin Mooshinkan kor ku xusan.

Golaha shacabka wuxuu ugu baaqayaa hay'adaha Dawlada Federaalka Soomaaliya, heererka kale duwan iyo maamullada dalka ka jira iyo bulshada rayidka ah in ay ka fogaadaan fal kasta oo keeni kara hakin hawl-qaran iyo xasilooni daro siyaasadeed


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip