Siyaarada Waliyulaahi Sh.C/raxmaan Celli waa kulan-weyne ay muslimiintu u siman tahay.

0
Wednesday August 12, 2015 - 00:40:56 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2928
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaarada Waliyulaahi Sh.C/raxmaan Celli waa kulan-weyne ay muslimiintu u siman tahay.

    Sanad walba marka la gaaro Bisha koowad (1) ee Hijriyada Islaamka ee loo yaqaano MUXARAM ama ZEKO idil ahaan waxaa daafyaha Caalamka si baahsan uga bilowda Siyaarada Caalimkii weynaa ee ummadda Soomaaliyeed AABBE SH. CABDIRAXMAAN BIN SH. CUMAR AL-CEL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sanad walba marka la gaaro Bisha koowad (1) ee Hijriyada Islaamka ee loo yaqaano MUXARAM ama ZEKO idil ahaan waxaa daafyaha Caalamka si baahsan uga bilowda Siyaarada Caalimkii weynaa ee ummadda Soomaaliyeed AABBE SH. CABDIRAXMAAN BIN SH. CUMAR AL-CELLIYI, AL-QAADIRIYI, AL-WARSHIIQIYI, ka hor inta aan la gaarin maalmaha Siyaaradaasi waxaa ka horeeya Diyaar garow, Wada tashi iyo Kala war qaadasho ku salaysan sida ugu haboon ee Siyaaradaasi loo sameyn karo.
Soddonka (30) cisho ee Bisha Muxaram waxay Siyaarada Sheikha si xiriir ah uga kala dhacdaa guud ahaan meel walba oo dunida ay kaga nooshahay Shucuubta Soomaaliyeed, inkastoo Siyaaradu ay tahay mid isku mid ah ayaa haddana tan ugu culus waxay ka dhacdaa Xarunta faca weyn ee ku caan baxday Fidinta Diinta iyo Barashada culuumta Shareecadda Islaamka ee loogu wan-qalay WARSHIIKH, halkaasi oo ah goobta uu ku aasan yahay Nuur badnihii Sh. C/raxmaan Celli.

Kumanaan muslimiin ah ayaa 12-kii bilood waqtigaan oo kale ku kulma Siyaaradaasi, looma kala hara ka qeyb galkeeda, qeyb walba oo bulshada ka mid ah kama maqnaato halkaasi, Madax Dawladeed, Siyaasiyiin, Duubab Dhaqan, Culumaa’udiin, Diplomaasiyiin, Saraakiil, Qurba joog, Ganacsato, Haween, Dhalinyaro iyo cid kasta oo muhiim u ah dadka Soomaaliyeed ayaa si furan uga qeyb qaata Siyaaradaasi, waqti xaadirkaan waxaa si qurux badan u socda oo lagu guda jiraa Aqriska Quraanka, Qaadida Qasiidooyinka Nabai Amaanka ah, Tawasulka iyo Xadraynta Digriga, iyadoo lagu qaadayo codad aad u macaan.

Taariiq ahaan WALIYULAAHI AABBE SHIIKH CABDI RAXMAAN SH. CUMAR SH. MAXAMED SH.DAA’UUD oo lagu naaneyso SH.CABDI CELLI wuxuu abaarihii 1895-kii uu ku dhashay deegaanka QORILOOW ee ka tirsan Degmada WARSHIIKH ee G/SH/DHEXE, qoys ahaan wuxuu ka soo jeedaa dhal GOBEED oo CULUMO ah, kuraynimadiisii (yaraantiissi) ayuu Shiikhu ku najaxay inuu dusha ka xafido Quraanka kariimka ah isla markaana barto kutubta cilmiga diiniga ah, isagoo u tagay Galbeedka iyo Koonfurta Soomaaliya raacashada iyo daalacashada Diinta Islaamka illaa uu ka noqday CAALIM weyn oo la xushmeeyo.

Ardayda ka aflaxday intii uu noolaa Shiikha waa sida xiddigaha oo kale waxaana wax ka bartay oo ka diin qaaday Boqolaal xer ah oo markii dambe noqday Culumo waa-weyn, kutubadii uu Shiikhu aqrin jiray oo ahaa BADWEYN ayaa haddana waxaa ka xusi karnaa TAFSIIRKA, AXKAAMTA, FIQIGA, NAXWAHA, SARFIGA IWM, xarumaha iyo masajidyada uu kutubta ka gali jirey waxaa ka mid ahaa masjidka Jaamaccda shingaani, Mowlicii Degmada Boondheere, Xaruntii Degmada Cadale, Markaskii Degmada Baraawe oo uu tagi jirey qeyb ka mid ah sanadka iyo Fariisinkiisii Degmada Warshiikh.
Alle ha u naxariistee Shiikhu wuxuu dajiyay kutubo aan yareyn, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen NAXWAHA, SARFIGA & QASIIDFOOYIN NABI AMAAN AH, Jaa’isada Shiikhnimada waxa siiyay reer Sh. Aweys Al-qaadiriyi, geeridu waa xaq waana halka lagu dambeyn doono, ma dhinte waa Illaah ee Alle ha u naxariistee Aabe Sheikh Cabdi Celli wuxuu ifka ka wareegay 1981-kii wxaana lagu aasay saldhigiisi Degmada Warshiikh, intii uu nolaaa Shiikhu wuxuu u go’ay fidinta diinta islaamka, darajo ahaana wuxuu gaaray inuu noqdo MUFTI loo soo doonto qeybaha kala duwan ee diinta iyo ka jawaabida su’aalaha diiniga ah, dhaqan ahaan wuxuu ahaa deeqsi aan la gaari Karin oo hoygiisa aaney waxba ku baryi jirin, sifo ahaan wuxuu ahaa ASTAANTA Degmada Warshiikh, geeridii Sheikha kadib waxaa khaliifnimadii la wareegay SH. MUXUMED SH. CABDI RAXMAAN oo isna geeriyooday, haatana waxaa hawshii Shiiqnimada haya SHIIKH QAASIM SH. CABDI RAXMAAN alle ha xafidee..

Kumanaan dad ah o ka kala tagey Magaalooyiin aad u fara badan ayaa haatan ku urursan Degmada Warshiikh oo 65-K.M u jirta Caasimdda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, ujeedka muslimiintaasina waa sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen Siyaarada Shiikhooda, iyagoo ALLE dambi dhaaf ka baryaya, una duceynaya guud ahaan ummaddaha Islaamka ah gaar ahaan dadka Soomaaliyeed si sanadkaan kiisa kale ay ugu gaaraan NABAD, KHEYR, & HORUMAR, maalmo kadib bulshooyinkaasi waxay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay ka baqooleen iyagoo Faraxsan, Degan isla markaana ku Raali ku ah socdaalkii ay ugu amba baxeen Siyaarada Shiikhooda SH. CABDI CELLI ee Degmada WARSHIIKH.

F.G. halkaan waxaa uga mahad naqayaa Walaakeey Cusmaan Maxamed Cali (Cusmaan Gaab) oo gacan iga siiyay ururinta xogta taariiqda Shiikheena Sh, Cabdi Celli.

W-D Abdulaahi Shiikhaalow.

hadii aanu nahay bahda Shabakada Warsheekh waxa halkaan si weyn uga hambalyeeyneenaa Wariye Shiikhaalow, qormadaan quruxda badan ee uu kusoo qadimay taariikh kooban oo ka diyaariyay Shiikheena , Sheekh C-raxman Sheekh Cumar .

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip