Xuska Caarifiinta cilmiga & Dariiqada iska dhaxashay ee Sh: Cabdi Celli & Sh: Muxumed oo ka bilaabatay degmada Warsheekh (Sawiro).

0
Friday September 16, 2016 - 20:30:36 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 3247
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xuska Caarifiinta cilmiga & Dariiqada iska dhaxashay ee Sh: Cabdi Celli & Sh: Muxumed oo ka bilaabatay degmada Warsheekh (Sawiro).

    Xarunta Dariiqada iyo faafinta dacwada Islaamka ee Warsheekh ayaa waxa si rasmi ah maanta uga bilowday Xuska Siyaaraadka mashaa'iqda iska dhaxashay cilmiga iyo dariiqada Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar "Sheekh Cabdi Celli" iyo Sheekh M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta Dariiqada iyo faafinta dacwada Islaamka ee Warsheekh ayaa waxa si rasmi ah maanta uga bilowday Xuska Siyaaraadka mashaa'iqda iska dhaxashay cilmiga iyo dariiqada Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar "Sheekh Cabdi Celli" iyo Sheekh Muxumed Sheekh Cabdiraxman.

Kaqeybgalka munaasabadan furitaanka xuska masha’iqda ayaa waxaa si siman uga soo wada qeybgalay Hogaamiyayaasha Ahlu Dariiqa, Mudarasiinta, Talaamiida, Dhaqanka , Siyaasiyiinta , Haweenka iyo dhammaan qeybaha kala gedisan ee bulshada Soomaaliyeed.

Xuska masha’iqda oo socon doono mudo bil ah ayaa waxaa lagu wadaa in halkaasi isugu soo xaadiraan dhamaan qeybaha kala gedisan ee jameecooyinka Ahlusunah Waljamaaca.

Dadka kasoo qeybgalaya siyaaraadka mashaa’iqda ayaa ah kuwa si mutadawacnimo ah xoogooda, maalkooda iyo waqtigoodaba u huray culimada caalimiinta ah ee noloshooda u hibeeyay uqidmeenta diinta Islaamka taasi oo dhaxal siisay in Sodon sano kadib wili ay baaqi kusii ahaadaan quluubta Shacabka Soomaaliyeed.

Waxa xusid mudan in jameecaadka kasoo qeybgalaya Siyaarada ee ubadan yihiin dhalinyaro kuwaasi oo intooda badan aan indhaha saarin Mashaa’iqda la siyaaranayo taasina ee daliil cad utahay in wax walba oo wanaag iyo kheyr Alle raali kayahay ee kusii baaqi noqdaan dunida guudkeeda iyo quluubta Muslimiinta.

Tirada dadka kasoo qeybgala siyaarada mashaa’iqda ayaa sanad waliba sanadka xiga aad uga sii badata, iyadoo cid walibana jaceyl ee uqabto Owliyada Alle darteed usoo tiigsadaan xarun diimeedka Warsheekh si ay goob joog uga noqdaan kheyraadka halkaa kasocda.

Hadii aanu nahay maamulka Shabakada Warsheekh waxa idin balan qaadi doonaa inaan idinkala qeyb qaadano mudada ay socoto xuska siyaaraadka Mashaa’iqda qormooyin xusuusin ah oo aan idinkaga faaloon doono sooyaalki quruxda badnaa ee culimadeena Soomaaliyeed gaar ahaan masha’iqda is dhashay ee Sheekh Cabdiraxman Sheekh Cumar iyo Sheekh Muxumed ay usoo galeen fidinta Diinta Islaamka.

Sawir Qaade: Maxamud Sheekh Axmed yare
W/Q: Cabdiraxman Sh: Cabdullaahi
E-Mail: warsheekh10@hotmail.com
Xafiisyada shabakada Warsheekh ee Warsheekh iyo Norway.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip