Maamulka Deg. Warsheekh Oo Dib Uhowlgeliyay Dugsiga Hoose, Dhexe Ee Hiraabe Calasow.

0
Wednesday November 11, 2015 - 23:05:17 in Wararka by Axmed Abukar
  • Visits: 4789
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Deg. Warsheekh Oo Dib Uhowlgeliyay Dugsiga Hoose, Dhexe Ee Hiraabe Calasow.

    Munaasabadaan oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, isla markaana dib loogu hirgelinayay dugsiga hoose, dhexe Hiraabe Calasow, Degmada Warsheekh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Munaasabadaan oo ay ka qeyb galeen Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka, isla markaana dib loogu hirgelinayay dugsiga hoose, dhexe Hiraabe Calasow, Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo sidoo kalena mas'uuliyintaan ay dhagax dhig dib uballaarin ah ku sameyeen MCH-ka degmada.

Mas’uuliyiintii ka hadashay dhagax dhiga Waxay soo jeediyeen in la sii baahiyo adeegyada ay ubaahanyihiin bulshada kuwaasi oo baahiyo fara badan u qaba dhanka caafimaadka iyo waxbarashada si loo yareeyo caruurta iyo hooyooyinka caafimaad xumida ugu rafaada deegaanada ku xeeran degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe iyo aqoon la’aanta sababta in dhalinyarada ay mustaqbal xumo wajahaan
.
Iskuulkan ayaa dhawaan waxaa dib u dayactir ku sameeysay hay’ad local ah, iyadoo loogu talagalay in wax lagu baro carruurta ku nool degmada Warsheekh iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Guddoomiye degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka) oo ugu horeyn ka hadlay xafladan ayaa sheegay in ujeedada loo furay iskuulkan ay tahay kadib markii ay arkeen baahida loo qabo in caruurta ay helaan waxbarasho, taasi oo aas aasi u ah nolosha aadanaha.

Dhanka kale Gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo isna xafladan hadal ka jeediyay ayaa sheegay inay sii wadayaan taageerada ay siinayaan shacabka ku nool degmada Warsheekh, isagoo intaasi raaciyay in ay tahay wax lagu farxo in la helo waxbarashada aas aasiga ah, sidoo kalena sii raacsaday inay haboontahay in la helo iskuulo lagu barto farsamada gacanta iyo caafimaadka.

Ugu dambeyn Gudoomayaha Degmada Warsheekh oo soo xiray xafaladani ayaa u mahad celiyay Hay’adda Maxaliga ah ee SHARDO oo gacan ka geysaneysa gacan ku haynta schoolka, isagoo ka codsaday shacabka iyo maamulka degmada Warsheekh in ay ka wada shaqeeyaan dhiirigelinta waxbarashada carruurta Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Warsheekh oo cagta saartay wadada horumarka.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip