Xildhibaan Ismaacil Muxyadiin oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee kujira dowlada Norway ayaa baaq nabadeed udiray walaalaha ku dagaalamaya Gobolka Mudug.

0
Friday December 04, 2015 - 01:51:46 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1567
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Ismaacil Muxyadiin oo kamid ah siyaasiyiinta Soomaalida ee kujira dowlada Norway ayaa baaq nabadeed udiray walaalaha ku dagaalamaya Gobolka Mudug.

    Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin oo ah mudane katirsan dowlada Norway ayaa sheegay in xiligan aysan wanaagsanayn in lagu diriro wax aan micno wayn samaynayn sidoo kalena aysan haboonayn in la daadiyo dhiig cusub iyadoo xiligan ay mudan tahay in laga fa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin oo ah mudane katirsan dowlada Norway ayaa sheegay in xiligan aysan wanaagsanayn in lagu diriro wax aan micno wayn samaynayn sidoo kalena aysan haboonayn in la daadiyo dhiig cusub iyadoo xiligan ay mudan tahay in laga fakaro horumar iyo wax wada qabsi.

’’ Inkastoo dhibaato dhacday hadana waxaa muuqata ififaalo nabadeed iyo dadaallo xoogan oo loogu jiro xakamaynta colaaada iyo xal u ehelida nabad waarta oo ka hir gasha gobolka Mudug’, ayuu yiri Xildhibaan Ismaacil.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada reer Galkacyood iyo maamulada ka arimiya in ay nabada fursad siiyaan una hiiliyaan dadaalada lagu jiro nabada ayaga oo u dhaga nuglaanaya, gacana ku siinaya sama jeclayaasha usoo gurmaday in ay gacan ka gaystan nabada.

Dhanka kale Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin ayaa waxa uu arinkaani kala hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalka Norway isago ka codsaday in dowlada Norway kaalin mug leh ka qaadato dadaalada dowlada Soomaalida ee ku dooneyso xal u helida colaadaha iminka kajiray gudaha Soomaaliya isagoo shacabka Soomaaliyeedna ugu baaqay iney wax ka bartaan dhibatooyinki ee ka dhaxleen dagaalada Sukeeye ee dalka soomaray.

Ugu dambeenti Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Shacbiga Soomaaliyeed iney umidoobaan xal uhelida xaalada cakiran ee dalka Soomaaliya isagoo dhankiisa xildhibaanka balan qaday inuu sii laba laabi doono dadaaladiisa siyaasadeed ee kuwajahan dibu dhiska dalka Soomaaliya.

Xildhibaan Ismaaciil Muxyadiin ayaa waxa uu safka hore kaga jiraa siyaasiyiinta Soomaalida ee kujira dowlada Norway isagoo mudadi uu kujiray siyaasada dalkaasi oo uhantiyay quluubta shacabka Soomaaliyeed oo iyaga aad ugu hamuun qabay iney helaan Siyaasi Soomaali ah oo danaha Soomaalida gaarsin karo doodaha siyaasada ee dalka Norway.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip