Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiskii Gaalkacyo

0
Friday December 04, 2015 - 02:19:56 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirada oo kulankoodii maanta ugu baaqay dhinacyada Gaalkacyo inay Ixtiraamaan heshiiskii Gaalkacyo

    Muqdisho, December 3, 2015------Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho, December 3, 2015------Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii joogtada ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxayna ka hadleen qodobo kala duwan oo ay ka mid ahaayeen amniga, heshiiskii Gaalkacyo, dib u soo laabashada colaada Gaalkacyo, howlaha Wasaarada howlaha Guud iyo guriyeynta.
Golaha Wasiirada ayaa ugu horeyn ka hadlay heshiiskii taariikhiga ahaa ee shalay wada gaareen Puntlanld iyo Galmudug, ayna goob jooga ka ahaayeen wafdiga ballaaran ee dowladda Federaalka ee uu hogaaminayay Ra’’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke.

Golaha Wasiirada ayaa si wada jir ah u cambaareeyey dagaalada dib uga soo cusboonaaday magaalada Gaalkacyo, xilli ay weli fidsan tahay gogosha nabadeed ee la isku afgartay shalay in la sii ambaqaado, waxayna ugu baaqeen in la illaaliyo nabadda iyo heshiiska Gaalkacyo, si loo baajiyo dhiiga shacabka.
Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa waxay ka hadleen howlaha Dib u dhiska, iyo dayactirka ay hay’addaha dowladdu wadaan, waxayna hoosta ka xariiqeen in Wasaaradda Howlaha Guud iyo guriyeynta ay tahay Wasaaradda u xil saaran dhamaamba howlaha dib u dhiska iyo dayactirka, gaar ahaana Diyaarinta, Kormeeridda iyo Qiimeynta dhismaha iyo dayactirka.

Waxay sidoo kale, fareen Wasaaraddaha Xukuumada inay ku wareejiyaan heshiisyada iyo qorsheyaasha dib u dhiska iyo dayactirka dowladda, kuna tixgeliyaan Wasaaradda howlaha guud, si loo illaaliyo nidaamka shaqada iyo waajibaadka Wasaaraddaha iyo hay’addaha dowladda.

Ugu dambeyn, Golaha Wasiirada ayaa warbixino ka dhegeystay Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Marwo Khadra Bashiir Cali, Wasiirka Dastuurka Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini.

----DHAMMAAD----

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip