Qeylo dhaan kasoo Shacabka kunool degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

0
Thursday December 17, 2015 - 01:32:15 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 2773
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Qeylo dhaan kasoo Shacabka kunool degmooyinka Warsheekh iyo Cadale.

    Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmooyinka mataanaha ah ee dhaca xeebta dheer ee gobolka Shabeelada Dhexe waa Warsheekh iyo Cadale ayaa waxa laga soo sheegayaa in halkaasi ee ka jirto culeesyo xoogan oo soo wajahay dadka deegaanadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararki ugu dambeeyay ee naga soo gaaray degmooyinka mataanaha ah ee dhaca xeebta dheer ee gobolka Shabeelada Dhexe waa Warsheekh iyo Cadale ayaa waxa laga soo sheegayaa in halkaasi ee ka jirto culeesyo xoogan oo soo wajahay dadka deegaanadaasi.
Cabashada shacabka ayaa ka dambeeyay kadib marki wadada isku xirta degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ee soo degeen ciidamo katirsan militariga dowlada Soomaaliya kuwaasi oo jidgooyooyin dhowr ah oo lacago xad dhaaf ah lasoo dhigay kuwaasi oo lacago xad dhaaf ah looga qaato dadka safarka ah.

Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay warbaahinta gudaha Muqdisho ayeey usheegeen in arintaani ee tahay mid aan loo dulqaadan karin hasa yeeshe waxey ka dalbadeen maamulka dowliga ah ee ka arimiyo degmooyinka Warsheekh iyo Cadale in si deg deg ah arintaan uga soo jawaabaan.

Waxgaradka ayaa muujiyay in hore ee dhibaato ugu qabeen cabsida la xiriirto haraadigi Alshabaab oo marar badan lagu soo waramay in qeybo kamid ah deegaano hoos yimaado degmada Cadale ee si dhuumaaleysi ah ee habeenadi ku yimaadiin, hasa yeeshe tani ee sii murjineyso culeesyada dadka deegaanka ee la daala dhacayaan in dhawaalaba.

Wadada dheer ee isku xirta degmooyinka Warsheekh iyo Cadale ayaa ah wada halbowle u ah isku xirka degmooyin dhowr ah kuwaasi oo dhaca gobolada shabeelada dhexe iyo galgaduud.

Wixi kusoo kordha warkaani kala soco wararkeena danbe.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip