Axmed Madoobe oo ka hor yimid magacaabista Suldaanka Jubbooyinka 'Kulan xalay ka dhacay Kismaayo

0
Saturday December 26, 2015 - 02:56:24 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Madoobe oo ka hor yimid magacaabista Suldaanka Jubbooyinka 'Kulan xalay ka dhacay Kismaayo

    Xarunta madaxtooyada maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo waxaa xalay ka dhacay kulan ballaaran oo dhex maray Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) hoggaamiyaha maamulka Jubbooyinka iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Harti Daarood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarunta madaxtooyada maamulka Jubaland ee magaalada Kismaayo waxaa xalay ka dhacay kulan ballaaran oo dhex maray Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe) hoggaamiyaha maamulka Jubbooyinka iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha Harti Daarood.


Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen waxgarad, odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo aqoonyahano ayaa looga hadlay arrimo ku saabsan Suldaan dhowaan loo magacaabay gobolada Jubaland.

axmed-madobe

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland – Axmed Maxamed Islam (Axmed Madoobe)

Madaxweyne Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa ku ammaanay beelaha Harti Daarood doorka ay ku leeyihiin gobolada Jubbooyinka iyo difaaca wax kasta oo dib u dhac ku ah horumarka gobolada maamulka uu madaxweynaha ka yahay.

"Idinkoo aad u mahadsan dhammaanba intiinaan halkaan fadhida waxaan idiin caddeynayaa in la siyaasadeeyay magacaabista Suldaanka ee loo magacaabay Jubaland, aniga ayaana go’aan ka gaaraya” ayuu yiri Axmed Madoobe oo hoosta ka xariiqay inuu xushmad gaar ah u hayo waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka beelaha degan Jubaland.

Dhinaca kale waxaa halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulankii xalay ka dhacay magaalada Kismaayo, iyagoona ballanqaaday inay xoojinayaan taageerada maamulka Jubaland, isla markaana sheegay inay Madaxweynaha ka filayaan go’aan ay ku kalsoon yihiin.


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip