Al-shabaab oo soo Bandhigtay Maanta Muuqaal ku Wajahnaa Dadka Madowga ah ee Mareykanka -

0
Sunday January 03, 2016 - 03:40:47 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1875
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-shabaab oo soo Bandhigtay Maanta Muuqaal ku Wajahnaa Dadka Madowga ah ee Mareykanka -

    Al-shabaab ayaa soo bandhigtay cajalad muuqaal ah oo ay ku sheegtay inay ugu baaqayaan dadka Madowga ah ee Mareykanka inay muslimaan oo ay kusoo biiraan jihaadka, iyadoo cajalada loogu jawaabay hadal uu dhawaan kasoo yeeray murashaxa madaxweyne ee da

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al-shabaab ayaa soo bandhigtay cajalad muuqaal ah oo ay ku sheegtay inay ugu baaqayaan dadka Madowga ah ee Mareykanka inay muslimaan oo ay kusoo biiraan jihaadka, iyadoo cajalada loogu jawaabay hadal uu dhawaan kasoo yeeray murashaxa madaxweyne ee dalka Mareykanka Donald Trump, kaasoo ahaa in muslimiinta laga mamnuuco inay soo galaan Mareykanka.



Muuqaalkan ayaa waxaa ka dhex-muuqda Donald Trump oo ah murashax doonaya inuu ka qayb-galo doorashada madaxnimo ee Mareykanka, isagoo hadal uu bishii hore jeediyay ku sheegay in muslimiinta aan loo ogolaan inay soo galaan Mareykanka, taasoo Murrashaxiin badan ay ka jawaabeen, kuwasoo ay ka mid ahayd Hillary Clinton oo ku tilmaantay Trump nin u adeegaya ururka ISIS.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa waxay ku sheegeen cajaladooda in Maryekanka ay ku badan yihiin xad-gudubyada ay ka mid yihiin; midab-takoorka, booliisku oo beegsada dadka aan awoodda lahayn awoodda yar iyo erayo ka dhan ah muslimiinta.

Muuqaalka cajaladaan oo soconaya 51-daqiiqo ayaa ahayd mid ay u isticmaalayeen in lagu soo jiito dhallinyarada jihaad-doonka ah, waxaana loogu magac-dartay ‘Dariiqii Fardowsa’ iyadoo waxyaabihii ay Al-shabaab kusoo bandhigtay ay ka mid ahaayeen War-bixinno ka hadlaya afar qof oo Somali-American ah oo ku dhintay dagaalladii Muqdisho ka dhacay.

Dhallinyaradan Somali-American-ka ah ee cajalada looga hadlay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay; Faarax Baladii oo ku magac-dheeraa (Asadullaah), Jamaac Sheekh Banna oo ku magac dheeraa (Ashraf), Zakariya Macruuf oo isna ku magac dheeraa Abu-Muslim Al-Muhaajir iyo C/rashiid Cali Cumar oo isagana ku magac-dheeraa (Sufyaan).

"Waxaa muuqaalkaan lagu soo bandhigay gabood-fallada ay xukuumadda Mareykanku ku hayaan muslimiinta, gaar ahaan dadka madow ee Afrikaanka ah oo Booliiska Mareykanku dhibaato dhan walba ah u geystaan,” ayaa lagu yiri warbixin hor-dhac u ahayd filimkan ay Al-shabaab soo saartay.

Ugu dambeyn, Waaxa la rumeysan yahay in ururka Al-shabaab ay ku biireen sannadihii la soo dhaafay tiro ka mid ah Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, kuwaasoo qaarkood ku dhintay dagaallada ay Al-shabaab kula jirto dowladda Somalia iyo ciidamada taageeraya.


 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip