War Goordhow Kasoo Baxay C/weli Gaas

0
Friday February 05, 2016 - 21:20:32 in Wararka by Warsheekh Media
  • Visits: 1558
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Goordhow Kasoo Baxay C/weli Gaas

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05-Feb-2016 kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe in kabadan 30 hay'adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah kuwaas oo dhammaantood ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05-Feb-2016 kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe in kabadan 30 hay'adood oo isugu jira kuwo caalami ah iyo kuwo maxalli ah kuwaas oo dhammaantood ka hawl-gala Puntland.

Madaxweynaha ayaa hay’adahaasi waxaa uu kala hadlay xaaladda abaaraha ee kajirta Puntland iyo sidii wax looga qaban lahaa maadaama uu jiro dhaqaale badan oo magaca soomaaliya lagu soo qaadoo kaas oo lasoo marsiiyo hay’adaha gar-gaarka balse aan intiisa badan dhaqaalahaasi lagu bixin meelihii loogu talo galay.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii uu soo dhammaaday kulankaasi waxaa uu shirjaraa’id ku qabtay Qasriga Madaxtooyada Puntland waxaana uu baaq u diray Waddamada Deeqda bixiya iyo hay’adaha Caalamiga ah in ay gacan ka geystaan abaaraha kajira Puntland maadaama ay yihii abaaraasi kuwo ka awood badan Dawladda Puntland.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip