Qaxootiga Yurub Soo galayo oo loo heshiiyay iyo Soomaalida oo culees gaar ah soo wajahayo.

0
Sunday March 13, 2016 - 01:34:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaxootiga Yurub Soo galayo oo loo heshiiyay iyo Soomaalida oo culees gaar ah soo wajahayo.

    Madaxda guud ahaan wadamada Midowga Yurub (EU) iyo raysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa xalay shaqdii dhexe heshiis ku gaaray magaalada Brussels. Heshiiskaan ayaa ah mid si weyn saameyn uga yeelanaya qaxootiga soo galaya Yurub iyo sida loo q

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxda guud ahaan wadamada Midowga Yurub (EU) iyo raysal wasaaraha Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa xalay shaqdii dhexe heshiis ku gaaray magaalada Brussels. Heshiiskaan ayaa ah mid si weyn saameyn uga yeelanaya qaxootiga soo galaya Yurub iyo sida loo qaabilayo. Qaasatan heshiiskaan ayaa ah mid albaabada ka xirayo guud ahaan qaxootiga marka laga reebo kuwa soo jeedaSyria.


Heshiiska ayaa nuxurkiisu yahay in dhamaan qaxootiga doomaha ku soo galaya wadanka Giriiga dib loogu celin doono Turkiga si qasab ah. Ka dib ayaa qaxootiga ka soo jeeda Syria waxaa la siin doonaa viso ay kaga soo bixi karaan wadanka Turkiga oo ay Yurub ku soo gali karaan. Kuwa ka soo jeeda wadamada kale sida Somalia, Afghanistan iwm ayay u taala Turkey sida ay ka yeelayso balse looma ogolaan doono in ay doon ku soo galaan Giriiga. Turkey ayaa la sheegay in ay qorsheynayso in ay dadkaas dib ugu celiso wadamadii ay ka yimaadeen.

Heshiiskaan ayaa Turkey waxaa la siin doonaa lacag gaaraya 6 bilyan oo Euro isla markaana waxaa dadka u dhashay Turkey viiso la’aan ku soo gali doonaan guud ahaan Yurub wixii ka bilaabata bisha Juun ee sanadkaan. Sidoo kale Turkey ayaa loo fududeyn doonaa sidii ay uga midnoqon lahayd EU-da.

Heshiiskaan ayaa ah mid aad u saameynaya qaxootiga ka soo jeeda wadamada Afrika. Xitaa qaxootiga hadda ku sugan Giriiga ayaa dib loogu celin doonaa Turkiga sida heshiisku dhigayo. Heshiiskaan ayaa si rasmi ah loo dhamaystiri doonaan 17-maarsoooay kulmi doonaan madaxda Yurub.

Somaliska
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip