Sweden oo dhaqan galinaysa sharcigii ugu adkaa ee qaxootiga ee guud ahaan Qaarada Yurub

0
Tuesday March 15, 2016 - 02:22:58 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 1796
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden oo dhaqan galinaysa sharcigii ugu adkaa ee qaxootiga ee guud ahaan Qaarada Yurub

    Dowlada Sweden ayaa dhamaadka bisha May ee sanadkaan waxay dhaqan-galinaysaa qeybo badan oo ka mid ah sharciga cusub ee qaxootiga, kaasoo qaasatan si weyn u saameynaya mideynta qoysaska. Sharciga ku saabsan mideynta qoysaska ayaa noqonaya midka ugu a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowlada Sweden ayaa dhamaadka bisha May ee sanadkaan waxay dhaqan-galinaysaa qeybo badan oo ka mid ah sharciga cusub ee qaxootiga, kaasoo qaasatan si weyn u saameynaya mideynta qoysaska. Sharciga ku saabsan mideynta qoysaska ayaa noqonaya midka ugu adag guud ahaan wadamada ku midoobay EU-da.


Sharciga cusub ayaa faraya in qoyska lala mideeyo dadka haysta sharciga qaxootiga Geneva oo keliya balse Sweden ayaa waxay sharcigaas siisaa 10% oo keliya dhamaan qaxootiga wadanka iska dhiibay. Dadka kale ayaan lala mideyn doonin qoysaskooda. Tani ayaa Sweden ka dhigaysa wadanka ugu adag maadaama wadamada kale ee Yurub ay sharciga qaxootiga Geneva siiyaan 80% qaxootiga.

Guud ahaan dadka doonaya in lala mideeyo qoyskooda ayaa sidoo kale shuruud looga dhigi doonaa inay biilan karaandhamaan dadka imaanaya Sweden.

Sharciga ayaa qaasatan si weyn u qabanaya Soomaalida oo qaar badan sharciga lagu siiyay sababta loo yaqaan "Dad kale oo magangalyo u baahan . Övriga skyddsbehövande iyoAlternativt skyddsbehövande ” dadkaas ayaan loo ogolaan doonin in lala mideeyo qoyskooda.


Somaliska.com



 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip