Personnumer-ka ayaa sida la wada-ogyahay ku salaysan taariikhda dhalashada ee qofka iyo afar-nambar oo kale. Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u soo batay dadka diiwaan-gashaday in ay dhasheen taariikhda 1-janaayo, 1-july iyo 1-maarso, dadkaasi ayaa u badan Soomaalida. Taasi ayaa keentay in ay dhamaadaan nambaradii aqoonsiga ee ku salaysnaa taariikhdaas qaasatan dadka dhashay ka dib 1950-kii.
Qofka cusub ee hadda diiwaan gashada in uu dhashay 1-janaayo ayaa Skatteverket waxay ku qasbaysaa in uu badasho taariikhda oo uu maalin kale doorto, xitaa haddii uu dashay 1-janaayo maadaama aan loo hayn nambar aqoonsi.
Nidaamka Personnummer-ka ayaa Sweden waxay bilowday sanadkii 1947, iyadoo xiligaasi aysan jirin teknoolojiyada casriga ah ee maanta jidha. Balse haddii laysku dayo in wax laga badalo nidaamkaan ayaa taasi waxay noqonaysaa mid aad qaali u ah isla markaana saameyn weyn oo xaga nolosha ah ku yeelanaysa bulshada Sweden, sidaasi darteed ayay dowladu ka cabsi qabtaa mustaqbalka nidaamkaan.
Hay'ada diiwaan gelinta Qaxootiga Sweden oo war la xiriiro Soomaalida soo saartay
Qaar ka mid ah nambarada aqoonsiga (Personnumer) oo aad muhiim ah ayaa ka dhamaaday Sweden sanadihii dambe, iyadoo hadda ayaad u soo korodhay saameynta ay leedahay arintaasi. Maadaama ay wadanka soo galayaan dad badan oo qaxooti ah oo qaar badan ay s