Sweden, Hooyo Soomaaliyeed oo lacago mag dhow ah oo xad dhaaf ah loo raacday

0
Thursday April 14, 2016 - 00:49:42 in Wararka by Web Admin
  • Visits: 2205
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sweden, Hooyo Soomaaliyeed oo lacago mag dhow ah oo xad dhaaf ah loo raacday

    Hay'ada Caymiska SwedenFörsäkringskassan ayaa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Borlänge ku amartay in ay bixiso lacag gaaraysa 335 904 kr ka dib markii lagu qabtay in ay been ka sheegtay aabaha caruurteeda. Hooyada ayaa lac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'ada Caymiska SwedenFörsäkringskassan ayaa hooyo Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Borlänge ku amartay in ay bixiso lacag gaaraysa 335 904 kr ka dib markii lagu qabtay in ay been ka sheegtay aabaha caruurteeda. Hooyada ayaa lacagtaan ku qaadatay lacagta caruurta aabaha aan lahayn (Underhållsstöd) iyo taageerada guriga (bostadsbidrag) balse hadda ayaa lagu amray in ay soo celiso lacagtaas.


Aabaha caruurta ayaa reerka la nool balse hooyada ayaa FK u sheegtay in uusan ahayn aabaha caruurta balse uu yahay nin ay qol ka kireysay. Balse dacwad qarsoon ayaa waxaa ka gudbiyay qof magaciisa qariyay oo u sheegay Hay’ada Caymiska in ninkaan uu yahay aabaha. Ka dib xiriir ay la sameeyeen Kamuunka Borlänge iyo baaritaano kale ayay cadaatay in hooyadaan ay been sheegtay sida uu qoray wargeyska Dalarna Tidning.

Bishii Janaayo ayaa hooyadaan laga goostay lacagtii la siin jiray isla markaana lagu amray in ay soo celiso lacagtaan aad badan. Qofka been u sheega Hay’ada Caymiska ayaa ugu horeyn lagu amrayaa in uu soo celiyo lacagtii uu qaatay balse xitaa mararka qaarkood ayuu qofku mudan karaa xabsi.

Arinta ku dhacday Hooyadaan Soomaaliyeed ayaa cashar u ah dadka kale, ee doonaya in ay si tuugonimo ah ku qaataan lacagta dowlada isla markaana been ka sheegaya guurkooda.


Somaliska


Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip