Madaxweynaha Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Sacuudiga

0
Tuesday July 05, 2016 - 17:32:50 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 912
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Sacuudiga

    Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Cambaareeyay weerarkii lagu qaaday dalka Sacuudiga waxa uuna mar kale dunida ugu baaqay in laga jawaabo waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa Cambaareeyay weerarkii lagu qaaday dalka Sacuudiga waxa uuna mar kale dunida ugu baaqay in laga jawaabo waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.

"Anigoo ku hadlaya magacayga,kan jamhuuriyada Somaliya iyo kan dadka Somaliyeed waxa aan aad uga naxsanahay sidoo kalana aan kaga murugaysanahay arrinta ku saabsan weerarka lagu qaaday dhulka barakaysan ee dalka Sacuudiga,waxaanan la qaybsanaynaa xanuunka iyo dhibaatada soo gaartay dadka walaalaheena ah ee sucuudiga”. Ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud

Madaxweynaha waxa uu ku adkeeyay wadamada Carabta,dunida Muslimka,iyo dunida inteeda kale in ay u midoobaan sidii waqtigaan adag ee lagu jiro loo xakamayn lahaa waxa loogu yeero Argagaxisada.

"intii lagu guda jiray bishaan Ramadaan waxa aan marqaati ka ahayn weeraro Argagaxiso oo ay fuliyeen cadawga bini aadminimada iyo shacabka oo ay tani ugu dambaysay, waxaa loo baahanyahay in lawada shaqeeyo oo aan cusboonaysiino dadaalkeena iskaashiga si aan u ciribtirno qatarta argagaxisada, si adag ayaan uga soo horjeednaa argagaxisada,waxa aanan nahay mid ka mid ah wadamada ay saamaysay qatartaan, kamana laba labayndoono in aan gacan kasiino dunida sidii loola dagaalami lahaa Argagaxisada.

Madaxweynaha ayaa fariintiisa kusoo gunaanaday tacsi uu u diray qoysaskii, saxiibadii iyo kuwii ay jeclaayeen dhamaan dhibanayaasha ay saamaysay musiibadaas.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip