Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Gobolka Galgaduud

0
Friday July 08, 2016 - 11:18:32 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1184
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiisad Colaadeed Oo Maanta Ka Taagan Gobolka Galgaduud

    Wararka naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud ayaa Sheegaya in Xiisad Dagaal oo u dhexsay Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Ahalusuna in ay Saaka ka taagan tahay Deegaanada Gudin-labe iyo Mareer Guur oo dhaca inta u dhexaysa Magaalooyinka Ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaaraya Gobalka Galgaduud ayaa Sheegaya in Xiisad Dagaal oo u dhexsay Ciidamo kala taabacsan Maamulada Galmudug iyo Ahalusuna in ay Saaka ka taagan tahay Deegaanada Gudin-labe iyo Mareer Guur oo dhaca inta u dhexaysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhusa-mareeb ee Gobalka Galgaduug halkaas ay isku Hor fadhiyaan Ciidamada labada Maamul.

Ciidamada Maamulka Ahalusun oo duulaan ku ah Magaalada Cadaado oo Xaruun ku meel Gaar u ah Maamulka Galmudug ayaa Subixii Hore ee saaka la wareegay Ganac ku heynta Deegaanka Dhuumoodle oo Magaalada Dhusa-mareeb kaga beegan Dhanka Cadaado.

Warar waxa ay intaa ku sii darayaan in Xalay ilaa saaka uu Maamulka Gobalada Dhexe uu Ciidamo ku Daad guraynayo Deegaanada u Dhexeeya Dhusa-mareeb iyo Cadaado waxaana laga Cabsi qabaa in uu bilowdo Dagaal toos ah oo dhexmara Ciidamada Maamulka Galmudug oo Garab ka helaya Ciidamada militariga Soomaaliya Qeybta 21-aad ee Gobalka Galgaduud iyo Ciidamada Ahalusuna oo isku Hor-fadhiya Saaka Deegaanada Gudin-labe iyo Mareer-guur.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip