Al Shabaab Oo Xalay Madaafiic Ku Garaacay Saldhiga AMISOM Ee Degaanka Ceel-jaale

0
Sunday July 24, 2016 - 12:23:03 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Xalay Madaafiic Ku Garaacay Saldhiga AMISOM Ee Degaanka Ceel-jaale

    Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel Jaalle Ee Duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab ay xalay Madaafiic ku gaaraceen saldhig ay Ciidamada Amisom ay deegaanka ku leeyihiin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Deegaanka Ceel Jaalle Ee Duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in Ciidamada Al-shabaab ay xalay Madaafiic ku gaaraceen saldhig ay Ciidamada Amisom ay deegaanka ku leeyihiin.

Dhowr madfac ay la sheegay in ay gudaha u galeen saldhiga ciidamada Midowga Africa ee amisom ay ku leeyihiin deegaanka Ceel-jaalle ee Ee Duleedka Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoo ilaa haatan aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Gudoomiyaha deegaanka Shalanbood ee Gobolka Shabeellaha Hoose Nuur Cusmaan Raage oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu beeniyay in Xarakada Al-shabaab ay xalay madaafiic ku gaaraaceen saldhiga Amisom ay ku leeyihiin Deegaanka Ceel Jaalle.

Gudoomiyaha waxa uu sheegay in Madaafiicda la maqlay ay ahaayeen kuwa ay tijaabinayeen Ciidamada Amisom islamarkaana aysan jirin khasaaro ay geysteen ila haatan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip