Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Jeneral Cabdiraxmaan Warsame Cilmi

0
Monday July 25, 2016 - 08:14:40 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1788
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Jeneral Cabdiraxmaan Warsame Cilmi

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee S/ Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi "Caare".

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee S/ Guuto Cabdiraxmaan Warsame Cilmi "Caare".

Marxuumka oo maalintii shalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, ayaa ka mid ahaa saraakiisha sare ee udub dhexaadka u ahaa horumarkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

"Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. 

Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan shacabka, qoyska, ehaladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka la wadaagayaa tacsidan murugada leh. 

Waxaa marxuumka lagu xusuusan doonaan doorkii wanaagsanaa iyo sida hufan ee uu ugu adeegay shacabkiisa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii Jannatul Fardowsa ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka tegeyna uu samir iyo iimaan ka siiyo.




--------------------DHAMMAAD----------------
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip