Wasaarada Arimaha Guddaha Oo Shaacisay Xilga La Dooranayo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe

0
Tuesday September 20, 2016 - 13:38:07 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Arimaha Guddaha Oo Shaacisay Xilga La Dooranayo Madaxweynaha Maamulka Hiiraan & Sh/Dhexe

    Iyadoo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday xilliga la dooranaya madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyadoo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uu ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhawaaqday xilliga la dooranaya madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha Soomaaliya Yaxye Cali Ibraahim ayaa sheegay in 3 bisha soo socota lagu wado in la doorto Madaxweynaha maamulka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Waxa uu sidoo kale xusay in Ergooyinka ka qeyb galaya shirka Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe looga baahan yahay in ay dar dar geliyaan howlaha xildhibaanada Baarlamaanka uu yeelanayo maamulka Cusub.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan ka furay magaalada Jowhar wajigii labaad ee shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe.

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale shir waxaa uu kaga socda magaalada Baledweyne kaa soo looga soo horjeedo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo sidoo kale Shabeelaha Dhexe ee ka socda magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo dhawaan la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka maamul usameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe uusan quseyn shacabka kunool gobolka Hiiraan.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip