Dagaal Caawa Ka Qarxay Deegaanka Godinlabe

0
Wednesday October 12, 2016 - 20:14:37 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1193
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Caawa Ka Qarxay Deegaanka Godinlabe

    Wararka aan Caawa ka heleyno Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in hada Dagaal uu ka socdo Deegaankaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka aan Caawa ka heleyno Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in hada Dagaal uu ka socdo Deegaankaasi.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya Ciidanka Ahlu-sunna iyo Ciidanka Nabad Sugidda Maamulka Galmudug.

Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyay in Dagaalka uu yahay mid culus oo la isku adeegsanayo Hubka nuucyadiisa kala duwan, sidoo kalena isgaarsiintii Deegaanka ay maqan tahay.

Dagaalkan ka socda Deegaanka Godinlabe ayaa la sheegay in uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed gelinkii dambe ee maanta uu gaaray Deegaankaasi.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip