Safirka Norway. "Soomaalida Mareykanka wax badan ayeey ka horeysa Somalida Norway"

0
Saturday October 15, 2016 - 03:09:48 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 3490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safirka Norway. "Soomaalida Mareykanka wax badan ayeey ka horeysa Somalida Norway"

    Safiirka dowlada Norway u fadhiyo wadankan Mareykanka AmbassadorKare R. Aus,ayaa shaley socdaal indho-indheyn ah ku tagey magaalada Minnesota oo ay kunool yihiin jaaliyad soomaaliyeed oo aad u badan. Kare R. Aus ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay s

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Safiirka dowlada Norway u fadhiyo wadankan Mareykanka AmbassadorKare R. Aus,ayaa shaley socdaal indho-indheyn ah ku tagey magaalada Minnesota oo ay kunool yihiin jaaliyad soomaaliyeed oo aad u badan. Kare R. Aus ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyay safiirka Soomaaliya u fadhiyo wadanka Mareykanka, AmbassadorAhmed Ciise Cawad.

Safiirka Norway ayaa qirey in soomaalida Minnesota ay xaga horumarka ay wax badan kaga horeeyaan soomaalida wadankan Norway. Waxa uuna sheegay in Soomaalida Norway ay u baahantahay in wax badan ka barato reer Minnesota. Si gaar ah wuxuu safiirku u magacaabey horumarka xaga waxbarashada, ganacsiga iyo kamid noqoshada bulshada oo soomaalida reer Minnesota ay ku yihiin hormuudka ajaaniibta kunool deegaankaas.Amassador Kare ayaa lagu soo wareejiyay ganacsiyo iyo dukaamo badan oo ay leeyihiin soomaalida gobalkaas degan. Waxa uuna carabaabey inuu waxyaabihii uu halkaas kusoo arkey uu ka diyaarin doono rapport, uuna u diri doono dowlada Norway, si wax looga badalo xaalada soomaalida reer Norwey.


Ambassador Cawad oo ayaa dhankiisa sheegay in safaarada Norway ee Mareykanka ay rabto iney wada shaqeyn gaar ah la sameyso safaarada Soomaaliya ee Washington.

Waa hubaal aan shaki ku jirin in walaalaheen soomaaliyeed ee Minnesota ama Mareykanka guud ahaan ay nooga horeeyaan dhinacyo badan oo horumarka bulshada ah. Balse Safiirka Norway ee Mareykanka waxaa ka hoos baxdey inuu isbar-bar dhigo xaalada soo galootiga iyo ajaaniibta guud ahaan ee labada wadan(Mareykanka iyo Norway), inta uusan is garab dhigi labada jaaliyadood ee soomaaliyeed.

Hadii reer Minnesota ay ku fakarayaan horumar, ganacsi iyo waxbarasho, reer Norwey wadnaha ayay farta ku hayaan oo nin walbaa wuxuu kujiraa gacmo ku gabad. Bulsho Listhaug iyo FRP laga adeejiyay oo aa


Xigasho: Norsom.com

 

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip