Ubah Abdullahi Aden oo horey uga tirsanaan jirtey golaha deegaanka Oslo, hadana wali kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa war ay dad badan ka yaabiyey kusoo qortey bogeeda bulshada ee Facebooka iyo Twitterka.
Ubah ayaa sheegtay in hadii iyadu ay awood lahaan laheyd ay tarxiili laheyd waalidka aan baran luuqada dalkan, «waaba hadii Ubah ay awood lahaan laheyd, oo wax laga weydiin lahaaye». Waxeyna hadalkeeda raacisay in waalidku uusan masuuliyad waalidnimo qaadi karin, hadii uusan aqoonin luuqada dalka ay caruurtiisa ku koreyso.
Tarxiil xal miyaa mise waa xumeyn:
Waa sax in dhibaato weyn ay tahay in waalidiin badan oo soomaaliyeed aysan aqoon fiican u laheyn luuqada wadanka, taasina ay dhibaato ku tahay koritaanka caruurtooda ay ku korayaan wadankan. Waa sax iney jirto in waalidiinta soomaaliyeed qaarkood aysan awooda saarin barashada luuqada wadankan, sababtu waxey rabt ha noqote. Balse in ladhaho waalidkaa aan luuqada baran, hala tarxiilo xal miyey keenaysaa mise xaalada jirto ayey uga sii dareysaa?
Ubah waxey ka tirsanaan jirtey golaha deegaanka ee Oslo, hadana waa siyaasiyad katirsan xisbiga shaqaalaha, xubina ka ah gudiga ururka waalidiinta ee FUG. Waxaa la isweydiin karaa, Ubah maxey u qabatey waalidiinta soomaaliyeed ee codkooda ku aaminey xiligii ay aheyd xubinta katirsan golaha deegaanka Oslo?. Ubah intey dhaheyso waalidka hala tarxiilo, xal kale ma heyso miyaa? Leksehjelp haloo furo, koorsooyin dheeri ah hala siiyo, halagu baraarujiyo iney luuqada wadanka bartaan, halagu wacyi galiyo muhiimada barashada luuqada?. Ayaduse ma joogtaa booskii ay dhihi laheyd waalid soomaaliyeed oo iyada lamid ah, hala tarxiilo?
Kawaran hadii hadalkaas uu dhihi qof katirsan FRP:
Bal adigu maskax ahaan sawiro, hadii siyaasi xisbiga FRP katirsan uu dhihi lahaa, waalidka ajaaniibta ah ee luuqada aan baran wadanka halaga tarxiilo, saxaafada Norway maxey ku sameyn laheyd? Dood inteese le´eg ayaase arintaas ka abuurmi lahaa.
Kawaran hadii siyaasi norwiiji ah oo FRP ama xisbi kale ka katirsan uu dhihi waalidka soomaalida ah ee aan luuqada baran wadanka laga tarxiilo, soomaalidu maxey siyaasiyagaas ku tilmaami lahaayeen?.
Waalid soomaali ah oo isagaba dhiban in la dhaho hala tarxiilo, hadal qof weyn oo masúul ah oo soomaali ah, hadana siyaasi ah uu ku hadlo miyaa?. Sylvi Listhaug maxaan ku heysanaa, hadii siyaasiyiintii soomaalida siyaasada ugu jirey ay qaarkood sidaas u hadlayaan?
Norsomnews
(Norwey) Ubah Abdullahi: Waalidka luuqada aan baran, wadanka waan ka tarxiili lahaa
Ubah Abdullahi Aden oo horey uga tirsanaan jirtey golaha deegaanka Oslo, hadana wali kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee katirsan xisbiga shaqaalaha ee Ap, ayaa war ay dad badan ka yaabiyey kusoo qortey bogeeda bulshada ee Facebooka iyo Twitterka.