RW. Rooble oo fariin aan looga baran diray

0
Friday April 23, 2021 - 20:19:32 in Wararka by Xarunta Dhexe
  • Visits: 640
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    RW. Rooble oo fariin aan looga baran diray

    Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha hay'addaha Amniga ayaa ka hadlay dhacdadii maalintii shalay ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo kulan la qaatay saraakiisha hay'addaha Amniga ayaa ka hadlay dhacdadii maalintii shalay ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.


Ra'iisal Wasaaraha ayaa sheegay in dhacdadaasi aheyn mid aan la aqbali karin, tallaabo sharci ahna laga qaadayo dadkii ka danbeeyey, waxaana uu faray wasaaradda amniga in baaritaan dhab ah lagu sameeyo falkaas.

Maalintii shalay ayeey aheyd markii gudaha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde uu isku horimaad ku dhaxmaray shaqaalaha waaxda socdalka garoonka iyo hay'adda nabad-sugida, waxaana iska horimaadkaa ka dhashay khasaare isugu jiray dhaawacyo iyo waliba burbur hantiyeed.

Ra'iisal Wasaare Rooble ayaa faray hay'addaha Amniga in ay dardar galiyaan howlahooda sugida amniga, baaritaan dhab ahna lagu sameeyo dhacdadii Garoonka Aadan Cadde.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip