Banaanbaxii Ugu Weynaa Oo Maanta Ka Dhacay Daljirka Daahsoon + Sawirro

0
Saturday February 11, 2017 - 15:16:21 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Banaanbaxii Ugu Weynaa Oo Maanta Ka Dhacay Daljirka Daahsoon + Sawirro

    Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taallada Daljirka Dahsoon ka dhacay Banaanbax xoogan oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaa oo ay kasoo qeyb galeen shacab aad u farabadan oo watay Sawirada Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taallada Daljirka Dahsoon ka dhacay Banaanbax xoogan oo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo kaa oo ay kasoo qeyb galeen shacab aad u farabadan oo watay Sawirada Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Banaanbaxan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa waxaa dalka socday banaanbaxyo waa weyn oo lagu taageerayo Madaxweynaha.

Amaanka Taaladda Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa sugayay Ciidamada Booliska Soomaaliya iyo kuwa Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip