Wararkii Ugu Dambeeyay Madaafiic Lagu Garaacay Nawaaxiga Madaxtooyada

0
Thursday February 16, 2017 - 20:14:09 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1435
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wararkii Ugu Dambeeyay Madaafiic Lagu Garaacay Nawaaxiga Madaxtooyada

    Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa Madaafiic maanta lagu garaacay Agagaarka Xaafadda 15 May ee Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faah faahin dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxeysaa Madaafiic maanta lagu garaacay Agagaarka Xaafadda 15 May ee Degmada Warta Nabadda ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 2 Carruur ah ayaa ku dhimatay halka ay labo kale ay ku dhaawacmeen Madaafiic ku dhacday Agagaarka Xaafadda 15 May ee Degmada Warta Nabadda.

Madaafiicda waxaa ay gaarayeen ilaa iyo 5 Madfac waxaana ay dhaceen kaddib markii ay dhamaatay Munaasibadda xilwareejinta Madaxweynaha cusub iyo kii hore oo isla xilligaas ku soo dhamaatay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madfaca ay Carruurta ku dhinteen ayaa waxaa la sheegayaa in uu ku dhacay Guriga Taliyaha Booliska Soomaaliya Maxamed Xasan Xaamud.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga ayaa sheegay in tiro Madaafiic ah oo loo waday Madaxtooyada Soomaaliya ay ku dhaceen Xaafado ay ku badanyihiin dad Rayid ah oo ku yaalla dhabarka dambe ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip