Ururka Al Shabaab Oo War Kasoo Saaray Doorashada Farmaajo

0
Sunday February 19, 2017 - 15:35:38 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab Oo War Kasoo Saaray Doorashada Farmaajo

    Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo loo doortay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya bishan February 8-dii, waxay Ururka Al Shabaab markii ugu horreysay soo saartay War Rasmi ah oo ku aadan Doorashadda Farmaajo loo doortay Madaxweynaha dowlada Federalka Soom

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tan iyo markii Madaxweyne Farmaajo loo doortay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya bishan February 8-dii, waxay Ururka Al Shabaab markii ugu horreysay soo saartay War Rasmi ah oo ku aadan Doorashadda Farmaajo loo doortay Madaxweynaha dowlada Federalka Soomaaliya.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ka mid ah Mas’uuliyiinta Ururka Al Shabaab ayaa sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo la mid yahay Hoggaamiyayaashii horey u soo maray DFS.

Farriin Cod ah oo lagu baahiyey Warbaahinta Al Shabaab waxa uu Sheekh Yacquub ku xusay inuu Madaxweyne Farmaajo ka daran yahay Madaxweynayaashii hore, isla markaana uu yahay Muwaadin Maraykan ah o oay Reer Galbeedka u soo tababareen si uu caddowga gacanta ugu geliyo dhulka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay.

"Annagu Haddaan muslimiin nahay waxaan leenahay Miizaan ama halbeeg aan wax ku cabirno, qof kasta oo khilaafa halbeegaasi shareecada islaamku jidaysay buudka ayaa lagula tumanayaan waana lala dirirayaa” ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Wuxuuna carrabka ku adkeeyey inay sii wadi doonaan Dagaalka ay kula jiraan Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Ciiddamadda Shisheeyaha, waa sida uu hadalka u yiri.

Dhinaca kale, Sheekh Xasan Yacquub Cali waxa uu uga digay Shacabka Soomaaliyeed inaysan ku kadsoomin maamulka Farmaajo, waa sida uu hadalka u yiri Sheekh Xasan Yacquub.

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip