Maamulka Somaliland Oo Dacwo Ka Ah Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-da

0
Tuesday February 21, 2017 - 15:47:14 in Wararka by Xafiiska Muqdisho
  • Visits: 1556
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Somaliland Oo Dacwo Ka Ah Laanta Afka Soomaaliga Ee BBC-da

    Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid oo maanta shir jaraaid warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ayaa sheegay in dacwad ay ka yihiin Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da islamarkaana dacwad arin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta maamulka Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid oo maanta shir jaraaid warbaahinta ugu qabtay Magaalada Hargaysa ee Caasimada Somaliland ayaa sheegay in dacwad ay ka yihiin Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da islamarkaana dacwad arintaas ku aadan ay u gudbin doonaan Madaxda ugu sareysa Idaacadda.

Waxa uu sheegay wasiirka Warfaafinta Somaliland in laanta afka Soomaaliga eee BBC-da ay mudooyinkii ugu dambeeyay caadeysatay waa siduu hadalka u dhigee ka hadalka arrimaha Xukuumadda Somaliland islamarkaana aysan ka hadlin hormarka ay gaarto.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid ayaa waxa uu sheegay in todobaaadyadii ugu dambeeyay doodaha ay qabanaysay Laanta afka Soomaliga ee BBC-da ay kaga hadlaysay arrimaha Dekadda Berbera iyo Saldhigada Somaliland iyo Imaaraadka Carabta ay ku heshiiyeen islamarkaana doodadaas laga qeyb galinayay 3-qof oo kasoo jeeda Somaliya iyo 1-qof oo Somali-land ah.

Ugu dambeyntii Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cismaan C/llaahi Saxardiid waxa uu ka hdlay Wariyayaal ku xiran Magaalada Hargeysa waxa uu sheegay in Wariyaasha la xirxiray ay u badan yihiin kuwa waday kicin dadweyne dhawaan Maxkmadda lasoo taagi doono.
Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip