Ururka Al Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

0
Saturday September 29, 2018 - 14:01:40 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Al Shabaab oo la wareegay deegaano ka tirsan Gobolka Sh/dhexe

    Wararka naga soo gaarayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada degmadaasi maanta ay la wareegeen dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka naga soo gaarayo Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada degmadaasi maanta ay la wareegeen dagaalamayaasha Ururka Al-shabaab.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa inoo sheegeen in Al-shabaab ay la wareegeen gacanta ku heynta deegaanada kala ah Yaaqle, Dhagaxow,Kooreebe iyo tuulooyin kale oo badan,kuwaasi oo hoos yimaada Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxaa la sheegay in Ciidamada dowlada Soomaaliya ay Saldhigyo ku lahaayeen deegaanadii Al-shabaab ay la wareegeen,isla markaana saakay ay isaga baxeen.

Sidoo kale waxaa la sheegay in la arkayay gadiidka Al-shabaab oo calamada madow ku xiran yihiin oo gaaf wareegaya deeganada gacanta ay ku dhigeen,iyagoona meelo fagaaro dadka isku yeeray.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo ku sugan Balacd ayaa Shabakadda Warsheekh u sheegay in Ciidamadii dowlada ay ku sugnaa deegaanadii shabaabka la wareegay ay u ruuqaan sadeen dhanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo dhan ah Al-shabaabkii maanta qabsaday deegaano badan oo hoos yimaada Degmadaaasi. 



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip