Muqtaar Roobow oo sheegay hadii la doorto in uu furi doono Wadooyinka ay xireen Al-shabaab + Sawirro

0
Saturday October 06, 2018 - 17:22:23 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1308
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqtaar Roobow oo sheegay hadii la doorto in uu furi doono Wadooyinka ay xireen Al-shabaab + Sawirro

    Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta hotel ku yaalla Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay ololihiisa doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed,isagoona jawaab ka bixiyay war kasoo baxay Dowlada Soomaaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa maanta hotel ku yaalla Magaalada Baydhabo ku soo bandhigay ololihiisa doorashada Madaxtinimada Koonfur Galbeed,isagoona jawaab ka bixiyay war kasoo baxay Dowlada Soomaaaliya.

Muqtaar Roobow oo la hadlayay taageerayaashiisa ku sugan Baydhabo ayaa waxa uu jawaab ka bixiyay hadalkii shalay ka soo baxay Dowladda Federaalka, kaas oo ahaa in uusan u tartami Karin xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed Soomaaliya.

Waxaa uu ku tilmaamay Rooboow in halkaasi uu la mid yahay Khilaafka Dowladda Federaalka kala dhaxeeya dowlad Goboleedyada dalka ,isla markaana sheegay in dowlada Soomaaliya ay u taallo marka hore in Dharka ciidankeeda ee lagu dhacayo shacabka ay wax ka qabato.

Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa sheegay in hadii Xildhibaanada Koonfur Galbeed ay doortaan uu Shacabka u furi doonaan wadooyinka ay Shabaab iyo qabaa’ilada ay xirteen.

Shalay ayey aheyd markii dowlada Federaalka Soomaaliya war kasoo baxay lagu sheegay in Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur in uusan u tartami karin Madaxweynenimada Maamulka Koonfur Galbeed.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip