Maxaa ka ogtahay wadahadalada Baydhabo uga socda Mukhtaar Rooboow & Wasaaradda Amniga

0
Sunday October 07, 2018 - 10:49:51 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1286
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa ka ogtahay wadahadalada Baydhabo uga socda Mukhtaar Rooboow & Wasaaradda Amniga

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay wadahadalka Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uga socda xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay wadahadalka Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uga socda xubno ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur).

Wadahadalka oo shalay gelinkii dambe bilowda ayaa soo gaaray xalay saqdii dhexe, mana jiro weli qodobo ay isla meel dhigeen dhinacyada wadahadalka uu usocdo,isla markaana Wadahadaladaasi ay ka socdaan Hoteelka Horyaala oo uu daganyahay Rooboow.

Taliyaha Nabad-Sugida Soomaaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo Gudoomiyaha Guddiga amniga ee Golaha Shacabka Fowziya Maxamed Sheekh, ayaa ka socda dhanka dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo shalay gelinkii gaaray Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliy.

Dowladda Soomaaliya ayaa Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu Mansuur) ka dalbatay inuu yimaado Magaalada Muqdihso, si arintan looga wada hadlo.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa maalma ka hor sheegtay in Muqtaar Roobow uusan u tartami karin Madaxweynaha Koonfur Galbeed walow Muqtaar roobow uu ka dhega adeegay Go’aanka Wasaaradda Amniga.



Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip