Maxkamadda CQS oo markii ugu horeysay xukuntay Askar kasoo baxday Aag Dagaal

0
Saturday October 13, 2018 - 10:08:07 in Wararka by Warsheekh Muqdisho
  • Visits: 1257
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda CQS oo markii ugu horeysay xukuntay Askar kasoo baxday Aag Dagaal

    Laba iyo toban (12) askari oo soo faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laba iyo toban (12) askari oo soo faarujiyay aagga Dhanaane ayaa loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amardiido ay ku samaayeen Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka kowdii bishii sideedaad ee sanadkan.

Askartan ayaa ka soo baxay aagga Dhanaane ee gobalka Shabeelaha Hoose halkaasi oo ay ku qornaayeen, waxaana sagaal kamid ah ay wada ahaayeen isku difaac halka sedaxda kale ay iyana ka soo baxeen gooba kale oo ka tirsan aagagga dagaalka ee gobalka Shabeelaha Hoose oo ay dowladda Soomaaliya dhawaanahaanba ka waday dib u xureyn deegaanno iyo waddooyin kamid ah gobalka.

20-ka Bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo soo gudbiyay xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dacwadda la xiriirta eedeysanayaasha, waxa ayna xilligaas weydiisteen garsoorka in loo gudbiyo xabsiga garsuge ahaan.

23-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayay Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida dalbadeen in la muddeeyo dacwad qaadista eedda loo heysto 12-kan askari ee ah amar diidada iyo ka bixid aagga dagaal ee Dhanaane, waxaana maalin kadib codsiga Xeer Ilaalinta loo ballamay in la qaado Maxkamadeynta 12-kan Askari.

24-ka bishii sagaalaad ee sanadkan ayaa loo fariistay fadhiga hore ee dhageysiga dacwadda la xiriirta 12-ka askari oo loo soo xiray ka bixid aag dagaal iyo amar diido, waxaa xafiiska xeer ilaalinta ku soo bandhigeen Maxkamadda taliya ururukii iyo abaanduulaha ciidamada xoogga dalka oo si wada jir ah u soo gudbiyay dacwadda eedeysanayasha, sidoo kale maxkamadda ayaa dhageysatay dhammaan jawaabaha ay ka bixiyeen eedda loo jeediyay oo dhammaantood isla qiray in sedax kamid ah maahe intooda kale ay ka soo baxeen agga dhanaane halka kuwa kale ay iyagane loo heysto in ay ka soo baxeen furin dagaal oo ay ku qornaayeen.

Waxaana Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida weydiisteen Garsoorayaasha In lagu xukumo xukunno u daneynayo adkeysiga iyo amar qaadashada ciidamada dhexdooda si loo ilaaliyo hadaf ciidan oo ku dhisan u adeegidda qaranka.

Qareenada u doodayay eedeysanayaasha ayaa ka hor sheegay garsoorka in la siiyo fursad kale oo ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka soo baxeen maadama markii hore iyaga ay ahaayeen kuwa qeybta ka ahaa xureeynta goobaha ay ka soo baxeen.

Garsoorayaasha oo ka baaraan degayay nuxurka dacwadda, doodda dhinacyada xeer ilaalinta iyo qareenada, ka falciladda jawaabaha ay ka bixiyeen eedeysanayaasha fadhiga maxkamadda ayaa ugu dambeyn go’aan ku gaaray in dhammaantood si wada jir ah loogu xukumo min Shansano oo xabsi Ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyacda goob joogga u ahaa fadhiga Maxkamadda Gaashaanle Dhexe Xasan Cabdiraxmaan Aadan Wabiyow.

Xukunka Maxkamadda ayaa xoojin karo adkeysiga ciidamada iyo in aysan soo faarujin goobaha ay kala wareegaan maleeshiyada Alshabaab sida horay u dhici jirtay.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada koowaad.7

Akhrise hoos kadhiibo fikirkaaga


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip