Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom ayaa waxa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Jubbaha Hoose,halkaasi oo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Howlgalkan oo ahaa mid dhanka Cirka ah ayaa waxaa si wada jir u fuliyay Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Africom,waxaana uu ka dhacay deegaanka Araare ee Gobolka Jubbada Hoose.
War qoraal ah oo ka soo baxay taliska militariga Mareykanka Afrika ee Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ka dhacday deegaanka Araare ee gobolka Jubbada Hoose,islamarkaana lagu dilaya ilaa 4 ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab.
Sidoo kale Warka kasoo baxay Africom ayaa waxaa lagu sheegay in wax khasaaro ah uusan kasoo gaarin Shacabka howlgalkaasi,lalal eegtay Goob ay ku sugnaayeen Dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dhinaca kale 8-ka tirsan Maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay hawlgal qaybta 60-aad ee ciidanka Xoogga dalku ay ka fuliyeen deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.
Mareykanka oo sheegay in uu duqeyn ku dilay Xubno ka tirsan Al-shabaab